Thursday, April 3, 2014

Golaha Deegaanka Burco shir deg deg ah ku Taageeray Aqoonsiga Somaliland


Burco(GNA)-shir ay maanta yeesheen Golaha degaanka Degmada Burco ayay ku taageereen Go,aankii uu Golaha degaanka shefield ku taagereen qadiyada iyo  madaxbaaanida Somaliland.




Golaha degaanka degmada Burco ayaa sheegeen inay martiqaad u fidinayaan Golaha degaanka shefield ee dhigooda ah.




Maayar ku xigeenka Degmada Burco ahna ku simaha Maayarka Burco Muxmad Xasan Jaamac(Xoday) oo ugu horayn shirkaasi ka hadlay ayaa yidhi  " Waxaanu Halkan ku Fadhinaa Xildhibanadii Golaha Degaanka Burco,Waxaanu ugu talo galnay munaasibadani in aanu ku hambalyaynayo Oo ku Muujino Tageerada ay noo hayaan Golaha Degaanka Shefield Oo Runtii xalay muujiyay go-aan taarikhiya,runtii waa maalin ay reer somaliland oo dhami Aanay iloowi doonin,anigoo ah maayir ku xigenkii degmada burco waxaan halkan dhanbaal hambalyo Tahniyad ah u dirayaa Councelka Reer shefield ee aqoonsaday jiritaanka somaliland,waxaanan usoo jedinaynaa gobalada kale ee ingiriiska inay ku daydaan reer shefield oo kale" ayuu yidhi Xoday




Xildhiban Axmed  Afyare oo isna shirkaa ka hadlay ayaa yidhi'" waxaan halkan ku hambalyaynayaa anigoo ku hadlaya afka xildhibanada golaha degaanka burco,anigoo ah xildhibanada golaha degaanka burco waxaanu balanqadaynaa in aanu dhamaanba xildhibada Reer Shefield Aanu ku Marti Qadayno Magalada Burco Dhamaantood .




Xildhibaan Mubaarig(Bidhi),Xildhibaan.Kayse Cabdi Raage,Xil.shiine Faliidh,Xildh.Ibraahin jaamac(Gaboobe) oo iyana halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah u taageeray Golahha degaanka shefield,waxanay jaaliyadaha reer somaliland ku booriyeen inay dedaalaan.




Xoghayaha dowlada hoose Cismaan Maxamed Sh Cisaman oo halkaas ugu danbayntii ka hadlaya ayaa sheegay in caalamka kalena looga baahanyahay inay aqoonsadaan Somaliland.




Waxaanu yidhi" waxa runtii diwaanka ama tarikhda reer s/land wax wayn ku ah golaha degaanka reer shefield oo ku dhawaqay go-aan tarikhiya,waa wax qaran-nimada reer s/land meel tarikhiya kaga jirta,waxaan caalamka sidoo kale ka sugaynaa inay ku daydan golaha reer Shefield oo kale"




Axmed Muuse maxamed




Gobanimonews




Burco Office