Thursday, April 3, 2014

Madaxtooyada Burco oo Bogaadin u dirtay Golaha Deegaalka Sheffield


madaxtooyadBurco (GNA)Agaasimaha Aqalka Madaxtoyada Ee Gobalada Bariga S/land oo fadhigiisu yahay magaalada Burco Yaasiin Maxamed Shide(Yaasiin Exs) ayaa Shir-Jaraid Oo Uu ku Qabtay Aqalka Madaxtoyada Togdheer Waxa Uu Dhanbaal Hambalyo ah u Diray Golaha Degaanka Sheffield Oo Maalintii Shalay ahayd Cod Gacan Taag ah u Qaaday Madax-Banaanida S/land,waxaanu aad ugu mahadnaqay kuna dhiiri galiyay dedaalkooda Jaaliyadaha reer somaliland,sidoo kale waxa uu ka sheegay inuu aqalkan madaxtooyada ee la dhisay  guul wayn u yahay Gobolka,




Agasimaha ayaa Sheegay in Talabadda ay Qaadeen Golaha Degaanka Shifield ay Tusaale Fiican u Tahay inay Wadamada Kale Ee Caalamku ay ictirafaan Madax-Banaanida Somaliland.




" Waxaan Shir-Kan Jaraa'id u Qabtay in Aan Hambalyeyo Golaha Degaanka Sheffield Talaabada Geesi-Nimada Leh Ee ay Qadeen,Waxanan Aad Ugu Mahad Celinayaa Jaaliyadda Reer S/land Ee Wadankaasi Oo Runtii Qaaday Talabo ku dayasho Mudan,Waxaanan  u Mahad Celinayaa Madaxwaynaha S/land Oo Marwalba u Heelan Sidii Uu Wadankani ictiraaf Buuxa Uga Heli-Lahaa Wadamada Caalamka.




Waxaan u soo Jeedin Lahaa Jaaliyadaha Reer Somaliland oo iyagu mar walba dedaal ku jira, inay  Dalalka Kalane ka Howlgalaan Sidii ay usoo Hoyn-Lahayeen Guusha ay soo Hoyeen Jaliyadda Reer Shifield,Runtii Waxaan Xukumada S/land Gaar ahaana Wasaradda Madaxtooyada Uga Mahad Naqayaa Dhismaha Aqalka Madaxtoyada Togdheer Oo ah Aqal Runtii Tacab iyo Dedaal ay Galisay Wasaradda Madaxtooyada,Runtii Aqalkani Madaxtooyadu Wuxuu Madaxda Dalka u Sahlayaa in Markay Yimadaan Magaalada Halkay ku Degi-Jireen Hudheel ay ku Degaan Aqalkaasi Madaxtoyada" Ayuu hadalkiisii kusoo xidhay gaasimuhu




Axmed Muuse maxamed




Gobanimonews




Burco Office