Tuesday, April 22, 2014

Mudaharaad ka dhacay Oodweyne iyo Maamulka Dawladda oo ka hadlay


Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo Eriday Agaasimhii Cisbitaalka Magaalada iyo dadweynaha oo ka gaddood




MudaharadOodweyne(GNA)-Magaalada Oodwayne ee xarunta Gobolka Daadmadheedh ayaa saaka waxaa dhacay Mudaharaad rabshado wata isla markaana dadwaynuhu ay magaalada ku gubayeen taayiro.




Mudahaadkan oo aan wax khasaare ah gaysan marka lag reebo sida ay sheegayaan dad goobjooga ah oo Gobanimo la hadlay, dhaawacyo fudud oo dhagax Mudaharaadeyaashu tuurayeen dad u  gaysteen.




Mudaharaadkan ayaa wax uu ka bilaabmay ka dib markii Ibraahin jaamac kaahin oo ahaa Agaasimaha Cisbitaalka Oodwayne xilkii laga qaaday isla markaana Agaasime loo magacaabay Bashiir Xasan Qalinle.




Dadwaynaha ayaa gaddooday kaddib  markii uu Saaka Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh Jamaal xuseen Hure uu isku dayay inuu xilka u kala wareejiyo labada sarkaa, isagoo fulinaya waraaqda labadan masuul xilka loogu kala tirinayay oo ay soo qortay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qowdhan.




Dadwaynaha ayaa waxay ku qaylinayeen ereyo ay kaga soo hor jeedaan wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan.




Isku bedelka labada sarkaal waxa soo qortay Wasiir xigeenka, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee Degmaddu.




“ ninkii Hore ee Cisbitaalka Haystay waxa uu ahaa Dhakhtar kan hadana waa neeras oo waliba waxaa,markii hore lagu yidhi TB da oo kaliya joog iminkana waxaa lagu wareejinayaa cisbitaalkii” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadwaynhii arintan ka gadoodsanaa oo hadlay.




Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh Jamaal Xuseen oo aanu arintan wax ka waydiinay ayaa xaqiijiyay in labadan sarkaal laysku bedelay, soona magacowday Wasiir ku-xigeenku Ninkan cusub.




Jamaal Hurre ayaa yidhi ''cisbitaalka ayaa dhakhtar cusub loosoo  soo qoray,shalay si wanaagsan ayay u dhacday markaa  maanta markii lays yidhi kala tiriya ayaa qalab kuwa dumarka lagaga umuliyo uu dhakhtarku yidhi anaa leh,markaas baa islaan baa dhakhtarka ka mid ahi tidhi  waa qalabkii dumarka lagaga umulinayay oo cisbitaalka ayaa leh,dabadeed dhalinyaro dhakhtarka la socotay ayaa qalabkii badh la cararay hadan waanu ku daba joognaa”ayuu yidhi.




 Badhasaabka oo ka jawaabayay su,aal ahayd in wax dhibaato ah ka dhasheen mudaraadka ayaa ku jawaabay.




 ''gaadhibaa muraayada laga jajabiyay”ayuu yidhi.




sidoo kale badhasaabka ayaa ka jawaabay Su,aal la wadiiyay oo ahayd dadwayanah reer oodawayne oo ku doodayay ina ay Wasiir ku xigeenku ay ku tagri falayso awoodii wasaarada ee oodwayne maadaama ay soo magacawday Agaasimaha cisbitaalka oodawayne iyadoo wasiirkii joogo”




 waxaanu ydhi ''marka horaba dhakhtarka  wasiir ku xigeenku iyadaa soo qorytay hadana markuu khalaadaad badan galay iyadaa ka joojisay shaqada”.




Arrintan ayaa imanaysa xili muddooyinkii u dambeeyay dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ka cabanyeen hoos u dhac dhinaca adeegyada Caafimaadka ah iyo biyaha.




Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee heer gobol iyo wasiir ku-xigeenka toona.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Oodweyne Office