Wednesday, April 23, 2014

Chelsea oo Difaac ku muquunisay Atletico Madrid Caawa “ Champion league”


CheuleCiyaar aad u xiiso badan oo la wada sugayay ayaa dhex martay Labada kooxood ee Chelsea iyo Atletico Madrid oo gurigeeda Vicente Calderon lagu kulmay.




Ciyaarta ayaa ah afar dhamaadka Ciyaaraha Champion league oo ay afar kooxood isugu soo hadheen.




In kastoo dhaawac dartii dibada looga saaray goolwade Petr Cech iyo difaac yahan John Terry, hadana farsamada difaaca ku dhisan ee tababare Jose Mourinho ayaa lama dhaafaan ku noqotay weeraryahanada halista ah ee Atletico Madrid oo gurigooda Vicente Calderon lagu ciyaarayay caawa.




Mark Schwarzer ayaa soo gallay ciyaarta, markii uu dhaawacmay goolwade Cech, oo ninkii bedelkiisa ku qornaa ee Thibaut Courtois , uu ka soo horjeeday, kaas oo amaah kula jooga Atletico Madrid – .




Kabtan John Terry ayaa sidoo kale ciyaarta oo ay ka dhiman tahay 18 daqiiqo dibada loo saaray, dhaac lugta ka soo gaadhay darteed, laakiin waxaas oo dhami ma noqon kuwo ka caawiya kooxda martida loo ahaa ee Atletico inay u suurto gasho gool dhalini.




Tababare Diego Costa ayaa lagu qasbay inuu aamino natiijada 0-0 ka ah ee ciyaartu ku dhamaatay isla markaana si weyn isugu diyaariyo kulanka dambe ee ay Stamford Bridge booqanayaan.




Chelsea ayaa gacan saraynta leh kulanka dambe ee Arbacada loogu tagayo garoonkooda , laakiin nasiib darro , waxaan soo xaadiri doonin, marka lagu darro dhaawaca Cech, Terry, laacibka Difaaca ee Frank Lampard, oo qaybtii dambe ee ciyaarta Calaamada huruuda ah ee digniinta la siiyey.




Sida Lampard, oo ka ka badbaaday in digniin labaad la siiyo kubad gacanta kaga dhacday oo aanu garsoorku arkayn darteed , waxa isna kaadh ka digniinta ah la siiyey John Obi Mikel oo kulanka labaad ka maqnaanaya.




Kulanka Is araga labaad ee labada naadi ayaa ka dhacaya garoonka Stamford Bridge ee magaalada London, bisha April 30-keeda, kaas oo midkii badiyaa ciyaarta koobka Champions League, la ciyaari doono ka soo baxa labada kooxood ee iyaguna Finelka u hirdamaya ee Bayern Munich ama Real Madrid.