Muqdisho(GNA)-Afhayeenka Howlgalada Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ,ayaa sheegay in Dagaal shalay Dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Buulo Burde ay ku dileen Sargaal katirsan Ciidanka Jabuuti .
Abu Muscab ayaa ku adkeystay in ay xaqiijinayaan dilka Sarkaal uu magaciisa ku sheegay Guhaad oo uu tilmaamay in uu ahaa Taliye kuxigeenkii Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Hase ahaatee Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab eeku saabsan sarkaalka la dilay oo ay ku sheegeen Taliye kuxigeenkii Ciidamada Jabuuti .
Taliyaha qeybta afaraad ee Ciidamada Jabuuti Col. C/raxmaan Cabdi , ayaa ayaa sheegay inaanu ciidankooda ku jirin Nin magaca Guhaad la yidhaahdaa.
‘’ Warka Al-Shabaab sheegeen waa been cad oon waxba ka jirin , Dagaalkii shalay soo qaadeen kaliya waxa ay rabeen in ay Idaacadaha ka sheegaan , warkooda waa nin daad qaaday Xumbo cugsay’’ ayuu yiri Col. C/raxmaan Cabdi.
Al-shabaab iyo xoogaga Dawladda ee AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warar Borobagaande ah inta badan Warbaahinta isu mariya, kuwaasoo ay guullo ku kala sheegtaan.
Waxaana inta badan adag in la helo warar xaqiiqo ah marka ay labada dhinac isku waajahaan goobo dagaal oo ka baxsan Magaalooyinka waaweyn.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com