Sida aynu lawada socono ama aynu wada naqaano badankeenu ilahay waxaa uu umadiisa soo raaciyey manhaj dhamaystiran oo dhinac kastaba ka miisaaman kafaynaayana dhamaan nolosha aadamaha kana helayaan dhamaan baahiyohooda oo dhan aduun iyo aakhirana ay guul iyo badhaadhe ku gaadhayaan runtii waa manhaj rabaani ah oo ilaalinaaya sharafka iyo karaamada qofka bini aadamka ah isla markaana siinaaya xoriyaad badan oo aadamaha u dan ah sidaa cagsigeedana ka dhawraaya kana reebaaya ama ka xaaraantinimaynaaya waxyaabo farabadan oo aan aadamaha u dan ahayn kana turjumi karahayn kuna filayn inay wanaajiyaan sharafka iyo gobonimada aadamaha, sharafka iyo naftoodana ilaalinahayn ilahay uu inoo gartay inuu inaga mamnuuco waayo ilahay ayaa inoo yaqaana wanaageena iyo liibaanteena iyo waliba waxa inoo danta ah iyo waliba waxa aan liibaanta ku gaadhi karno oo iyana ah inaan manhajka ilahay ina soo raacshay aan si buuxda u qaadano kuna dhaqano oo aan ku dabaqno dhamaan dhinacyada kala gadisan ee nolosheena si aynu u noqono umad guulaysatay.
Sidaa awgeed ayaa maanta waxaan rabaa inaan soo qaato qayb kamid ah damaanadaha uu inoo balan qaaday manhajka rabaaniga ah ee ilahay ina soo raacshay taasi oo ah waxa loo yaqaano XUQUUQDA AADAMAHA, taasi oo aan laba qaybood u kala qaadayno aadamaha labadaasi qaybood oo kala ah Aadame muslim ah oo qaatay manhajkii ilahay soo dajiyey oo ah kitaabka ilahay iyo sunaha nabiga NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATEE.
Aadamaha labaad ee iyaguna jira ayaa waxaa ay yihiin aaame ilahay iyo rusushii uu soo diray beeniyey oo looyaqaano GAALO.
Hadaba markaan sii guda galno mawduucan waxaad waayadan danbe idaacada BBC da ka maqashaan xuquuqo kala gadisan oo dhamaantood ah baadil markaad eegto sida loo soo dhigaayo iyo qaabka loo baahinaayo intaba waayo waxaan soo sheegnay inaan leenahay manhaj ilaahi ah hadaan nahay umada muslimiinta ah manhajkaasina waxaa uu inoo damaanad qaadayaa dhamaan xuquuqaha aasaasiga ah kuwaasi oo ah lagama maarmaan ama lama taabtaan laakiin waxaa iswaydiintu tahay sida ilahay inoogu balan qaaday waa sidee jawaabtu waa sida diinteenu ogoshahay ee maaha sida reer galbeedku wadaan ee ay rabaan inay sanka inaga gashaan waana aragti fog oo larabo in la inagaga fogeeyo diinteena macaan iyo manhajkaasi dhamayska tiran ee ilahay inoogu tala galay inaan ku dhaqano kuna liibaano if iyo aakhiraba.
Waxaan idaacada BBC da ka maqalaa xuquuqo lagu yidhi waa inaad xayeysiisaan oo sii daysaan ilayn awood ay ku diidaan malaha oo waa la xukumaaye iyaguna kama fiirsane waxay kusii daayeen sidii ay ahayd oo ah si aad u qaldan xambaarsana fariin qaldan waxaanay reer galbeedku iska dhigayaan ama gaalada ilahay nacay iska dhigaan inay iyagu xuquuq ina barayaan kuwa iyaga u kaba qaaka ahina waysoo xambaaraan kuwaasi soo xambaarana waxaa kow ka ah idaacada BBC da tusaale hadaan soo qaadano waxaan aragnaa ama maalin kastaba maqalaa xuquuqahan hoos ku yaala oo dhamaantood wada qaldan waana kuwan.
1Xoriyad lagu fakiro ilahay ayaa inoo damaanad qaay iska fikir uun maahee waa sida ay diinteenu ogoshahay u fakir oo wanaaga iyo wada jirka ka fikir.
2 . Xoriyad guur inaan guursanaa waa oo si xalaal ah reer muslimiin ah u samaynaa waa mid diinteena ku cad ee maaha mid hada london la inooga yeedhiyo.
3. Xoriyad caqiido iyana waa mid diinteena ialahay inoogu sheegay inaan qofna diin aan tiisa ahayn lagu khasbi karahayn balse ay tahay in wanaaga iyo barwaaqaada diinta islaamka umada loo bandhigo lana fahamsiiyo laakiin maaha mid la inooga yeedhiyo iyana BBCda.
waxaasi oo xoriyaad ah iyo kuwa kale oo fara badan ayaa ka mid xoriyaadka ilahay ina siiyey balse gaalo iyo cida afkooda ku hadashaa ay iska dhigaan inay iyagu ilaashaan oo sameeyeen taasina waxaan leenahay waa beentiine anaga hadaanu nahay umada muslimiinta ah ilahay ayaa noo fasaxay oo noo damaanad qaaday dhamaanba xoriyaadka ilahay ogolyahay.
Sidaa awgeed waxaan umada u soo jeedinayaa inaanay dhag jalaq usiin beenta laga afuufo idaacada BBC da.
Guntii iyo gabagabadii waxaan leenahay GAAL ILAHAY NACAY XORIYADAADA MA KA HADLI KARAA?
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)