Thursday, December 12, 2013

Xisbigga Ucid ee Finland oo Cambaareeynaya falkii lagu horjoogsaday murashaxa madaxweyne Jamaal Cali Xuseen


12.12.2013 Helsinki (GNA) -Mahad Allaah leh, gudoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Samia Omar Hagi Muse iyo Gudoomiyaha Abaabulka Mudane Ismaciil Digaleh Daahir waxaan si weyen u dhaliilayna ficilada xun ay xukumadda Somaliland kula kacdey Hogaamiyaasha Mucaaridka ah iyo waliba Suxufiyiinta ay mar walba ka hor istaagayso xuquuqdoodi uu Allaah u baneeyay iyo waliba Sharcigga عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول من رأى منكم منكرا فليغيره بيده ، فإن لم يستطع فبلسانه ، فإن لم يستطع فبقلبه ، وذلك أضعف الإيمان ) رواه مسلم .




Waxaa ayaan darro ah maanta inay dawldii Somalialnd ay ku meeraysatay sidii Mudane Jamal cali Xussein loo wiiqi lahaa oo kulba dabin odhigaysa meel walba. Waxaan rabna maanta meeshan inaano kacadayno inaaney marnaba Daacadi Hongoobeynin الحمدلله. Qof walbana risiqiisa oo Allaah oqoray marana ma seegayo  الحمدلله. Mudane Jamal Ali Hussein maanta Sumcad ayuu ka helay falalkan ciyaalnimada ah ee dawlada Somaliland ku dhaqmayso maalmahan ,taageero badan iyo waliba garab booxana wuu kahelay Xisbiga Ucid meel kastaba Aduunka.




Waxaa runtii ahayed xumaan bareer ah  in laga ciliyay Mudane Jamal Cali Hussein iyo Marwo Faduma Saciid Gabiley oo maanta kutaal Somaliland , waxaanan maqli jiray Airportka Kuwait qof bila visa ah waa laga ciliya ee waan ka xunnahay Mudane Madaxweyne  hadii visaha فيزا الترانزيت  Xisbiga Ucid aany wadanin markay Gobalda Somaliland galayaan?????




Waxaa ayaan darro ah ino maanta Mudane Silanyo oo lajeclaa oo waliba ahaa staan fiican oo lugu faano ino dawladdii dhameed ku wareejeyo dad sumcadiisii madaxnimo meel kaga dhacay, wallaahi waa ayaan darro inay dawladdii dhameed ku meeraysatay falal xaasidnima ah oo dhawacaysa xuqooqda muadiiniita Somaliland  oo walibana laaluush lacag ah ku qarash garaynaysa sidii dad loo caayi lahaa ama loo dhaawici lahaa.




عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: "الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ لَا يَظْلِمُهُ وَلَا يَخْذُلُهُ وَلَا يَحْقِرُهُ التَّقْوَى هَاهُنَا" وَيُشِيرُ إِلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ،





Waxaano jawaab ka bixinayna caydii Ururka Naw Ucid ee Haweenka ay kula kaceen Marwo Faduma Saciid waxaa ayaan darro ah in lacaag darteed aad shakhsiyadiini iyo magaciiniba olomiseen.???




Marwo Faduma Saciid waa qof jirta waayoo maanta Dawladdi iyo dadkii wadayba waxaa kadhamaatay lacagtii ay dadka kulba kulalooshayeen sidii Faduma Saciid  loo caayi lahaa::::::::
Marwo Faduma Saciid waa Iron Women marnaba ma jabayso mashaa Allaah waliga Noolo Marwo Faduma Saciid .  




Mudane Madaxweyne waxaano kaa codsanayna Dawladaddan inay:




Dadka xuquuqdooda siiso oo waliba dadka ay sinto waa xaraam maanta waxan ay Dawladii dhamayed ku dhaqmayso
Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ahna inay ixtiraamto Xuquuqdooda iyo waliba sharciga
xuquuqda Suxufiyiinta inay ilaaliso oo si dhakhsa ah ay usoo daysoo dadka Suxufiinta ee xidhan
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:  "بِحَسْبِ
 امْرِئٍ مِن الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ".
Xuquuqda Mujaahidiinta sharafta leh inaad dhawrtaan oo aad ixtraamtaan
Hogaanka inaad Mudane Madaxweeyne aad ilaaliso dhaartii iyo cahadkii aad qaaday maalintii aad la wareegtay xukunka





Mudane Madaxwenyne waa in waddanka lagu dhaqaa shariicada Islaamka oo dhigays inay Dumarku kadanbeeyaan Ragga waana qawlkii Allaah Subxaanahu waa Tacaala




قال تعالى ((الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَبِمَا أَنْفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ)) سورة النساء




Waxaa maantaa Allaah siiyay marwda Kowaad ee madaxweynaha sharaf iyo haybad ay ku ahaato hooyadii Ummadda Somaliland maaha maanta inay shaqadii Xukunka Madaxweynaha
ay soo fara gashato waayoo shariicadda Islaamka Dumarka inay madax noqdaan ma ogalaa , marka Marwada Kuwaaad ee Amina Waris waxaano kacodsanayna inay kadhex baxdo falalkan xun oo magaceeda iyo sumcadeeda nuqsaan ku riday, waanan ka xunahay maanta waxan ka socdaa Somaliland Mudane Madaxweeynee.




Allaah xaaladda Somaliland ha Dajiyo Aamiin Yaa Allaah.




 




Maqaalkan waxaa ku saxeexan labadaa masuul:
- Godoomiya Abaabulka Xisbiga Ucid Finland: Mudane Ismaciil Digaleh Dahir
- Godoomiyha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid Finland: Samia Omar Hagi Muse




 




* Gobanimonews: Marwalba waxay ilaalinaysaa anshaxa saxaafadda iyo waxkasta oo wax u dhimaaya nabadgelyadda Somaliland iyo weedhaha caadifadda ah. Se rayigga dadweynaha masuul kama ah gobanimonews