Marka hore saxafiyiinta ama wariyayaasha dalku waxay u badan yihiin dhalin-yaro intooda badan, kuwaaso laga yaabo inayna saxaafada ku dhex-jirin muddo badan oo ayna lahayn khibrad iyo waayo aragnimo saxaafadeed, saxaafaduna waxay u baahantahay aqoon badan oo jamacado ayaa looga soo baxaa sadex bilood iyo waxaasi kuma noqon kartid wariya buuxa, hadaba, saxafiga Waxaa looga bahanayahay inuu aqoon u lahaado
Xeerka saxaafada si’uu uga badbaado haliso badan oo uu u garto waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa kale, manta wariyaasha danbe waxaa laga yaba inaaney hal qodob xataa ka garanayn xeerka saxaafada wariyena wuu sheeganayaa, xeerka saxaafadu wuxuu ku qoranyahay afsoomali ee wariyahu waa inuu akhristaa maaha wax ku qoran luuqad kale markaa waxaa lagayabaa inuu fahmo waxyabo badan oo uu ku qaldanyahay oo islayaabo kadibna isa saxo taasiina guuldaro maaha ee waa guul haduu qofku qaladka iska saxo
Inuu inta uu waayo aragnimo dheerada yeelanayo aanu waxba ka qoriin siyaasada ee uu ka bilaabo arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarasha IWM.
Inuu warka uu qorayo uu hayo tix raaciisa si ugu doodi karo ama uu u cadayn karo hadii dhibkaga yimado,
Manta waxay u dhaqmaan wariyaayu hadad iyagoo xaruntooda joogto aad war telefonka ka uga sheegto waxay ku odhanyaa “mahee oo sidaasaa jirta isagoo telefoon kaba dhigin ayuu computerkii galinayaa oo uu ku darayaa warkii” lakin sadasi maaha saxafadu ee waa inuu wariyu meeshii wax ka dheceen indhihiisa ku soo arkaa oo uu dadka goobjooga ah waraystaa oo uu uqoraa warkiisa hab cilmiyaysan oo dhexdhexad ah hadii kale, imika, dowlada ayay is haystaane waxaa dhici doonta inay qabiilo isqabsadaan ama reero ay war qaldan ka qoreen oo an xadhig iyo waxaa aqoon ee toos u toogan doona markaasa la odhan doona wariyaa la dilay,
Waxaa taya-xumada saxaafa ka kow ah maamulka saxaafa sida agaasimayasha TV-yada iyo tifaftiraha wargayska oo hadii uu noqdo qof aan aqon lahayn isla markaan aan lahayn la taliyayaal wanagsan uu imanyo khalad wayni, sababtoo ah ciyaalka isagaa maamula oo ay ku daydaan haduu isagu wax walba iska aqbalo oo uu sharciga saxafada ilaalinwaayo iyaguna halkaa ayunbay ka miisayaan.
Saxaafada wadankeenu waxay ahayd mid tayo leh markii ay koobnayd oo rag manta wasiiro ah oo aqoonleh ayaa agaasimayal iyo gudomiyayaal ka ahaan jiray, manta niman malcaamado dhigi jiray iyo niman joornaalka iibin jiray ama qaybin jiray oo meel-alla-meel ay saxafada kazoo galeen iyo meel ay ku barteen la garanayn ayaa haysta oo gudoomiyaay isku sheega waana arinta keenaysa dhibta, mana xuma oo qofku wuu ka dalici karaa halkuu tagnaa oo hurumar wuu gaadhi karaa haduu jaraa’idka qaybin jiray godoomiya wargays wuu noqon karaa lakin waa inuu marka hore aqoontiisa ku saabsan dhinaca saxafada dhisaa oo meelaha uu ku jilicdasanyahay uu iska adkeeyaa ,
Wargays wadanka kazoo baxa ayaa war qoraya marka la qabsado ee caddee layidhaahdana wuxuu odhanayaa website ayaan ka soo xidhtay, miyaanu ogayn inuu wargayskani liisan leeyahay oo dowlada ogalaansho ka haysto oo uu yahay mid liiska ugu jira dowlada lakin website ka uu leeyahay waan ka soo xigtey inanay dowladu liisana siin aanay xukumin oo hadii la doono maraykan iyo yurub laga soo galiyo wararka markaa ma website dalkaba nin aan joogin wax ku qoray oo wuxuu dono haduu qoro cidina qabansan Karin madamuuna dalkiiba jogin ayad war kazoo xiganaysaa, websiteyada caanka aha sida hadhwaangnews iyo gobanimo ookale ee lagaranayo ragga qora ama ”update”ka ku sameeya haduu kazoo xidhto xataa waa macquul.
Marka labaad hadan ka hadlo mamulka ururka saxafiyiinta “SOLJA” waa halka ay saxafada Somaliland ka duntey ee ay bilaa tayada ka noqotey wa’ayo
Lasoco…….
Qalinka: Mohamed Abdi Hashi