Thursday, December 26, 2013

Somaliland: Aqoon darrada Saxaafadda iyo Ayaan darrada Ururka Saxafiyiiinta!


Waxaa jira wargaysyo badan iyo TV,yo dalka Somaliland kaso baxa, kuwaaso inbadan ay madaxa isla galaan oo ay is haystaan dowlada Somaliland, sababaha arinta keenaysaana way badan yihiin iyadoo ay ugu horayso aqoondara saxafiiyiinta iyo sida ay u gudbiyaan wararka qaarkood oo anay hubsan ama aan tixraac lahayn iyo ururka saxafiyiinta oo ka curyaamay shaqadiisii waxaana curyaamiyay cilmi la’aanta masuuliyiinta ururka saxafiyiinta oo waxay isku carcararaan marka la yidhaahdo saxafi ayaa la xidhay iyagoon cadayn karayn inuu saxifa yahay qofka xidhani sababtoo ah umaba diiwaan gashana saxafiyiintu.




Saxaafadu maaha meel laga caayo dadka oo sidii la doono wax loo qoro ee waa dhexdhexad sida magaceedu tilmaamayo “Media” waa muraayadii dadka hagaysay hadii dhinaca wanaagsan loo adeegsadana bulshado dhinaca wanaagsan ayay u soconaysaa hadii dhanica xun loo adeegsadana waxaa iminaya dhibaatooyin samayn xun ku yeesha bulshada iyo saxaafada lafteedaba, hadaba,




·         Maxaa ku waajiba ninka wariyihiii inuu barto ama uu aqoon ulahaado




·         Maxaase ku waajiba ururka saxafiyiinta inta anay xeedho iyo fandhal kala dhicin ee anay iskugu carcararin wariyaa laxidhay iyagoon cadaynayn wariye nimadiisa




Inta anan arinka kahadlin waxaan doonayaa inan inyar dib u eego hal qodob oo ay saxafadu qoraysey maalmahan




·         Waxaa jira warar baddan oo aan anigu shakhsi ahaan layaabay sida ay u qortey saxaafada dalka Somaliland, waxaana ka mid ahaa wararkaasi “somalia oo sheegtay inay ka baxdey wada hadaladii ay la waday Somaliland hadii anay Somaliland ka noqon gooni isku taaga” qodob kanoo kale waa mid xasaasiya marka ay qorayso saxaafada Somaliland mahaa inay iska taagto dhinaca xun ama ay ka eegto oo kaliya sidii ay ugu dhaliili-lahayeen dowlada Somaliland ama ay ugu ceebayn lahayeen waa arin sharafta dalkeena ku saabsan dalkana dowladu malaha ee waa lawada leeyahay adiga saxafiga ah dalka lagama xigo wa inaad u damqataa, saxafada intooda badani markay ka hadlayeen qodobkan waxay u dhigayeen si ay Somaliland sharaftii ka dhacdey oo waxay dadka tusayeen in miiska la inagaga kacay oo dowladu ka masuul-tahay lakin arinku sidaa maha arintan hadayba jirto waa guul ee maaha sharaf dhac, wada hadaladu waa daruuri maaha in dadka laga dhaadhiciyo in wada hadaladu markii horeba khalad ahaayeen lakin waaa khasab inaad la hadasho cidaad is haysaan ee wax idinka dhexeeyaan si’aad gartaada u sheegato, manta hadii iyagu”Somalia” diideen wadahadalada caalamka oodhan wuu arkaa arintaa waxayna u eegtahay in laga garhayo oo wax ay la shiryimadaan ayna hayn marka caalamku wax uu inoogu dhadhajiyo oo danbe muu hadhin sababto ah marka hore calamka ayaa inagu khasbayay wadahadalada Somalia, manta way arkaaan markaa waa la inoo garaabi doona iyagana waxay ku noqon doontaa dhabar jab wayn, hadaba saxafadu maaha inay dadka dhinaca xun wax ka tusto maadaamoy tahay muraayadii bulshada,




Waxaa wargaysyada dalka kazoo baxa ka wanaagsan oo ka tayo badan website-yada sida hadhwanaagnews, warkanews, gobanimonews oo kale oo wararka aysoo qoraan u dhiga hab cilmiyaysan lakin nasib xumadu waxa weeyaan dadkii boqolkiba sodon ayaa website yada akhrista inta badan dhalaan iyo dumar iyo waayeelba waxay akhristaan wargaysyada ama waxay daawadan Tv-yada kuwaaso isku darsadey bilaa cilmi saxafiyiintooda ah iyo bilaa tayo maamulkooda ah.




Hadaba hadan ka hadlo Wariyaha ama saxifiga maxaa ku wajiba inuu cilmgeedi ama aqoon u lahaado?…………




Lasoco………………….    




Qalinka:  Mohamed Abdi haashi




Title:        undergraduate




Tell:          063 4106409