Wednesday, December 25, 2013

Somalia: isku hor-imaadyada Ciidamada Dawladda oo Fashilaya tunta Nabadda


Muqdisho(GNA)-Isku dhacyada ciidamada Dawladda ayaa noqotay dhacdooyin si xidhiidh ah u dhacaya, tan iyo xili hore, hase ahaatee waxay mar kale soo cusboonaatay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay.




Laba askari oo ciidamada dawladda ka tirsan ayaa saaka ku dhaawacmay  Israsaaseyn  ku dhexmartay duleedka magaalada B/weyne ee gobolka  ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka Somalia.




Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay isgoyska Kala beyrka oo illaa 20km woqooyi kaga beegan magaalada B/weyne, waxaana uu bilowday markii la isku qabsaday bar control oo halkaas ku taala.




Dagaalka ayaa joogsaday ka dib markii ay ciidamo Itoobiyaan ahi kala dhex galeen labda ciidan ee dirirtu dhex martay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamda dawladda, hase ahaate 22 bishan December ayay ahayd markii dagaal ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya obar koontarool oo  ku taala degmada Afgooye  ee Gobolka Shabeeladda hoose.




Ugu yaraan lix qof oo saddex ka mid ahi rayid yihiin ayaa ku dhintay Dagaalkaasi, oo ay markii dambe ku guntadeen Ciidamada Amisom ee aagaasi .




 “Dadka ku dhintay dagaalka waxaa ku jiray saddex dumar ah oo ay rasaastu ay ugu tagtay guryahooda, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay rasaasta ay ciidamadu dagaalka u adeegsanayeen, xaaladduna hadda way daggan tahay,” sidaasi waxa Ideecadda VOA-da u sheegay Maxamed Cismaan Cali goob-jooge ahaa.




Dagaalka ayaa salka ku hayay arrimo maamul oo lagu muransanyahay.




Dhinaca kale, Dagaalo noocana ayaa Ciidamada dawladda ku dhex maray Magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah sanadkan gudihiisa, waxaanay taasi muujinaysaa isfaham la’aan iyo wada shaqayn ka dhexaysa Ciidamada iyo maamul xumo dhanka taliska ah.




Arrintan ayaa hadii ay sidan ku sii socoto aakhirka sababi karta inay dib u soo laabtaan hogaamiye kooxeedyadii 22 sano dalka kharbudadaada ka waday.




Dawladda federaalka ah ayaan ilaa hada wax talaabo ah oo arrimahan wax lagaga qabanayo qaadin, taasoo muujinaysa inaanay waxba ka soo qaadayn dhacdooyinkan oo fashilaya qorshaha dhismaha Milateriga dawladda, si looga maarmo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com