Burco(GNA)-Gudigga Ururka Baraarug ee Beesha Bariga Burco ayaa baaq ay soo saareen maanta faroiin Nabdeed iyo garnaqsi ugu dirya Beelaha Degaanka Burco iyo xukuumadda.
Sidoo kale waxay ka cawdeen qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl gasha Magaalada.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen inay ka xunyihiin wixii shalay la dhacay.
Waxa kale oo ay ku dooddeen in Telefishanka Horn Cable dhacdadaasi uga soo waramay si baxsan anshaaxa iyo dhexdhexaadnimada.
Baaqaasina waxa uu u dhignaa sidan:
Annagoo ah Ururka Baraarug Ee nabadaynta iyo horumarinta Beelaha degen Bariga Burco, waxaannu ka xunnahay dhacdooyinkii shalay ka dhacay Burco isla markaas waxaannu tacsi u diraynaa eheladii iyo qoysaskii dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaadheen dagaalladaas foosha xun soo qaden dad tirsan oo la yaqan oo horena kuwan oo kale uga sameeyay magaalada Burco.
Ka Dib markii aanu shir isugu nimi Maanta waxanu isla garanay qoddabadan hoos ku qoran .
1.In nabadu naga go’aan tahay kana shaqayn doono ilaa inta aanu arkayno cid nabad doonaysa
2. In markii aanu iswaydiinay xaaladii shalay dhacday la weeraray dawlada hoose quful lagu dheejiyay isla markaana la waayey dawlad daacada oo u soo gurmata burco .inta haysata togdheerna yihiin hal reer .
marka laga rebo mayarka oo doorasho ku yimi .in aanu dawlada uga fadhino inay dib ugu noqoto samiqaybsiga oo waliba reerkii loo sadburiyay rabshada iyagu wadaan
3. Waxanu qiimaynay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ka dhacay Burco in uu Tvga Hon Cable tv oo kayse Axmed Digaale ka yahay hormuud oo ka mid yahay kuwa qaska ka wada magaalada .isla markaana isagoo isticmaalaya Tvga Horn Cable uu fidiyo waxaa reerkoodu wadaan .
waxanu go,aansanay hadanu nahay Beesha bariga Burco oo ururkan matalo in aanu ka mabnuucnay tvga bariga burco una sheegayno mulkiilaha tvga Farxaan iyo Jamaal inay sida ula socdan cidi wax ku dhacan iyadu ka masuul tahay.
Sido kalena u sheegayno in an laga daawan Karin bariga burco tvga hctv oo uu dagal oge kayse axmed digaale masul uga yahay burco.
4. Waxaanu u sheegaynaa Maamulka Hctv inaan Tv-ga HCTV wax sita Astaantiisa aan lagu arki Karin Bariga Burco hadii lagu arkana wixii ka dhaca masuuliyadeeda aanan lahayn ee ay qaadayaan masuuliyiinta tv-ga waana naga digiin aanu u sheegayno maamulka sare ee HCTV.
Gudiga Fulinta Ee Ururka Baraarug
Nagala Soo Xidhiidh Emailkayga
Baraarug1@gmail.com
Baraarug@live.com