Wasiirro xukuumaddu u soo dirtay daminta Shaqaaqad dhimashada keentay oo wali xal la’
Burco(GNA)-Wafti Wasiiro ah oo ka Kooban ilaa sadex wasiir oo ku sugan magaalada Burco,ayaan wali wax xal ah ka gaadhin shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay Mudaharaad maalin sadexaad ka dhacay Magaalada Burco kaas oo sababay hal qof oo dhimasho ah ilaa sadex qof oo ay ku jiraan Askar oo dhaawacyo halis ahi soo gaadheen,
Sadexdan wasiir oo kala ah Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Cali siciid Raygal,Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir Cali iyo Wasiirka degaanka Shukri Xaaji Bandare,ayaa sababta halkan loogu soo diray loo nisbaynayaa inay kasoo jeedaan degaanka ama beelaha ay dibaatadu ka soo gaadhay shaqaaqada dhacday.
Wasiirradan ayaa maalintii saddexaad awoodi kari waayay xataa inay ku qanciyaan qoyska uu ka soo jeeddo marxuumkii ku dhintay dhibaatadu in la aaso maydka.
Maydka wiilkii dhintay ayaa wali yaalaa cisbitaalka magalada Burco.
waxa kaliya ee hada ay wasiiradaasi qabteen waa inay soo eegeen oo kaliya dhaawacii cisbitaalka yaalay, halkaasoo ay kula kulmeen odayaal ka mid ah kuwii ay kasoo jeedeen askarta daawacantay kuwaas oo wasiirada ka dalbaday in loo cadeeyo ciddii dhibaatada gaysatay,halka marxuunka dhintay eheladiisuna ay dawlada ka diideen inay aastaan isla markaana ay ku adkaysteen inaanay aasayn ilaa cidii dishay la helo.
Sidaasi darteed ilaa hada wax xal ah may keenin wasiirradani.
Inta badan marka ay dhibaato ka dhacdo degaanada Gobolka Togdheer sidii lagu yaqaanay Dawladahii kal danbeeyay Somaliland waxaa loo soo diraa wasiiro kasoo jeeda degaankaas,kuwaas oo cod iyo afgarsho gaar ah kula adli jiray cidii ay xalka ka doonayaan.
laakiin taasi hada dawlada siilaanyo meesha way ka saartay waxaana markasta dhacda in arin yar oo dhacday wax xal ah loo waayo taas oo ay dadwaynaha siyaasada dawlada siilaanyo odorosaa ay u aanaynaynayaan in aanay dawaladu diran cid ka wajihi karta xaaladaha qalafsan ee la kulma dawlada siilaanyo.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanomonews.com