25/12/2013.Borama(GNA) Tartankan oo ah midka ugu xiisaha badan ee ka qabsooma sanadahan dambe gudaha Boorama ayaa waxa sanadkan ka qayb qaadanaya 14 kooxood oo ka kala socda kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo ay ku jiraan ardayda heerka koowaad ee loo yaqaan Freshman-ka.
Tartankan oo maraya maalintii sedexaad ayaa xiisahiisa gaarka ah wata, waxana gudaha Boorama laga dareemayaa xamaasada uu wato, iyadoo maalinwalba galinka dame la arko boqolaal taageerayaal ah oo isugu jira ardayda Jaamacadda iyo dadwayne kale oo ku sii qulqulaya dooxada Camuud si ay uga qayb galaan daawashada tartankaasi.
Hadaba Shabakada ayaa waxa ay la xidhiidhay Hormuudka Xafiiska Arimaha Ardayda ee Jaamacadda Camuud, Prof. Maxamed Maxamuud Jaamac Diiriye, waxana uu uga waramay ujeedada tartankan, waxana uu yidhi “Tartankani waa mid si joogto ah u qabsooma sanad walba, waxa uu gaar u yahay oo uu dhex maraa ardayda kala duwan ee Jaamacadda wax ka dhigta, ujeedada laga leeyahay ayaa waxa ay tahay in lagu xoojiyo is dhexgalka ardayda dhexdooda ah iyo in la daahfuro hibada dhinaca ciyaaraha ah ee ay ardaydu leeyihiin, sidoo kale tartankan ayaa waxa ay aaminsan tahay Jaamacadda Camuud in uu kobcinayo caafimaadka jidhka ardayga, waxana sanad walba ka soo baxa tartankan boqolaal arday ah oo ku wanaagsan kubada cagta, isla markaana siwayn uga dhex muuqda tartanada kaladuwan ee dalka ka dhaca, waxana aan ardayda ku bogaadinayaa ciyaar wanaaga, walaal tinimada iyo niyad samida ay soo bandhigeen”
Sidoo kale kaaliyaha hormuudka arimaha Ardayda ee Jaamacada Camuud Md. Cabdinaasir Daahir Cige oo isaguna ka waramay sida uu tartanku u socdo waxana uu yidhi “Tartankan ayaa waxa ka qayb qaadanaya 16 kooxood oo ka kala socda kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Camuud iyo Freshmanka oo sedex kooxood ah,, wareega koowaad waa mid hal is arag, waxana ka soo bixi doona 8 kooxood oo si toos ah isku arki doona, koox walbana waxa ay yeelan doontaa hal ciyaar oo ay wareegaas kaga gudbidoonto ama ku hadhi doonto, waxana xusid mudan in ilaa hada ay ciyaaruhu si xiiso badan u socdaan”
Md. Cabdinaasir ayaa sidoo kale cabiray xamaasada uu tartankani xambaarsan yahay iyo casharada dheeraadka ah ee laga baran karo waxana uu yidhi “Maalinwalba waxa qabsoonta ciyaar, ciyaartaas inta ay socoto waxa ay kooxaha ciyaarayaa soo bandhigaan ciyaar saaxibtinimo oo ka hufan, xanaaq iyo habdhaqan qalooca labadaba, waxa ay ardayda ciyaaraysaa garoonka ka baxdaa iyaga oo isku hambalyaynaya, isgacanqaadaya iskuna faraxsan, taasina waa ujeedada ay Jaamacadu ka leedahay qabashada tartan ciyaareedada, waa in aan abuurno deegaan is dhexgal mudan oo dhex mara ardayda ciyaaraya, isla markaana ay ku kala faaiidaystaan oo ay isku bartaan, waana waajib na saaran inaan dhiiri galino ciyaaraha Jaamacadda dhexdeeda, iyo guud ahaan magaalada Boorama, gobolka Awdal iyo dalkan Somaliland-ba”
Tartankani waxa uu tusaale u yahay xiisaha kubada Cagta ay u hayaan dadka reer Boorama, sidoo kalena waxa uu tusaale wax ku ool ah u yahay baahida loo qabo qabashada tartamo noocan ah oo ka qabsooma gudaha Boorama, waxanan sidoo kale hadii aan nahay Xafiiska Arimaha Ardayda ee Jaamacadda Camuud aan diyaar u nahay inaan waayo aragnimadayada qabashada tartamada noocan oo kale ah u gudbino lana wadaagno bahda ciyaaraha ee gobolka Awdal, waxanan soo dhawaynaynaa dhamaan hormarinta ciyaaraha kala duwan ee gobolka Awdal, taasina waa astaan u taagan in Jaamacadda Camuud ay diyaar u tahay inay bulshada kaalin ka balaadhan tan waxbarashada oo kor u qaadaysa xidhiidhaka Jaamacada iyo Bulshada ay qaadato” ayuu hadalka ku soo meeray Md. Cabdinaasir
Tartankan ayaa waxa ilaa hada guulo ka soo hooyay oo u soo gudbay wareega labaad kooxaha ka kala socda, Kuliyada IT-da, Kuliyada Engineering-ka, Qaybta Freshman E, Kuliyada Education-ka iyo Qaybta Project-ka ee kuliyada Maamulka iyo Maaraynta, sidoo kale waxa wareega labaad ku guuldaraystay inay u soo baxaan, kooxaha ka kala socday Kuliyada Sharciga, Kuliyada Beeraha iyo Kuliyada Caafimaadka.
Sidoo kale mid ka mid ah ardaya wax ka barta qaybta koowaad ee Freshman-ka ee Jaamacada Camuud oo ka yimid gobolka Sanaag oo ay shabakadu la hadashay ayaa u cabiray dareenkiisa waxana uu yidhi “Waa ciyaaro xamaasab badan, waan u soo gudubnay wareeg kale waanan ku faraxsanahay, ma ahi anigu ciyaartooy, laakiin waxa aan dooxada Camuud u imid inaan taageero kooxdayada, waxa intan ii dheer oo aan xusi karaa inaan degaan cusub oo ay dhinaca buuraha ka wadaagaan gobolkii aan ka imid ee Sanaag uu yahay degaankan dooxdada Camuud ee aan maanta ku suganahay, waana hubaal in bulshada ku dhaqan degaankan Boorama ay tahay mid ku abtirsata xadaarad fog, taasina ay ka muuqato sida ay ciyaaraha u daawanayaan ama u ciyaarayaan, waana tusaale aan maanka ku hayn doono waligay, waayo aragnimadaydana waxa aan Facebooga kula wadaagay saaxiibo badan oo kubada jecel oo ku sugan Sanaag, waxana aan sidoo kale marka aan noqdo uga sheekayn doonaa ciyaaryahanadii reer Sanaag ee aan isku faca’ ahayn waxa aan halkan ka bartay, guulna waan u rajaynayaa ardayda qaybta Freshman E-da ee aan taageeraha u ahay.
Mustafe caraale
Gobanimo news.com
Borama office