Wednesday, December 25, 2013

Somaliland: Rugta Ganacsiga oo la hadlay dhigooda Jabuuti ee cusub


Hargeysa (GNA) Madaxda Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa xidhiidh iyo wada shaqayn wanaagsan ka rajeynaya hogaanka cusub ee Rugta ganacsiga Jabuuti loo doortay.




Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somalailanad Maxamed Shugri Jaamac iyo xubnaha Guddida fulinta ayaa soo saaray War-saxaafadeed isugu jira Hambalyo iyo Bogaadin ay u dirayaan Hogaanka cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Dalka Jabuuti.




Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo ay weheliyaan xubnaha Guddida Fulinta oo kala ah:-




 




1.      Maxamed Shugri Jaamac




 




2.      Jamaal Caydiid Ibraahim




 




3.      Dr: Farxaan Liibaan Axmed




 




4.      C/kariim Maxamed Iid




 




5.      C/raxmaan Cali Cabdi




 




6.      Naasir X Cabdi Cawad (Indha-deero)




 




Waxay War-saxaafadeedkooda ku yidhaahdeen:-




 




Hambalyo iyo Bogaadin




 




Guddida fulinta Rugta Ganacsiga Somaliland waxay Hambalyo iyo bogaadin u diraysaa guddoomiyaha cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Jabuuti Mudane Yuusuf Muuse Dawaale  iyo guud ahaan guddida cusub ee loo doortay Rugta Ganacsiga Jabuuti.




 




Waxaan illaahay idinka baryaynaa in uu xilka idiin fududeeyo, idinkuna hanuuniyo sida danta dadkiina iyo dalkiinu ku jirto. sidoo kale waxan idiinka rajaynaynaa in xidhiidhka labada Rugood halkuu joogo ka sii wanaagsanaado.




 




Allaa Mahad Leh




 




Maxamed Shukri Jaamac




 




Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland