Wednesday, December 25, 2013

Somaliland: Shaqaalaha Hudheellada oo Urur cusub samaystay


Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha ka Hawlgala Hudheelada Dalka Ee Barkhad,Md: Bashiir Sh.Maxamed C/raxmaan,Ayaa Mar uu Maanta Xafiiskiisa ugu Waramaayey Qaarka mida Saxaafada Madaxa banaan,Wuxuu sheegay inay Ururkan u Samaysteen Sidii ay Shaqaalaha Hudheelada u midayn lahaayeen,Xirfadooda Shaqona ay kor ugu qaadi lahaayeen.




Mar uu ka War bixinaayey Aasaaskii Ururkooda Barkhad ayaa uu Sheegay,inay ahayd markii Ugu Horaysay Ee ay aasaaseen 1996dii,Laakiin Kufaa Kac badan oo ku yimid ka dib ay ku Guulayteen inay Cagahooda isku Taagaan,Bishii Shanaad Ee Sanadkii 2012kii,Sababaha dib u dhaca ugu badan ay ku keenaysay,Faham la,aan haysatay Shaqaalaha ka hawlgala Hudheelada,haddana ay taasi tahay mid ay ku Guulaysteen ka dhaadhicinteeda.




"Waxaa Xubno ka ah Ururkan 45xubnood oo Boardka Ururka ah,walina waa ay socotaa Diwaan Galinta Shaqaaluhu".




Mar uu Gudoomiye Bashiir Sharaxaayay Meelaha ay ka diwaan gashan Yihiin ayaa uu yidhi"Cid kasta oo ay khusayso Diwaan galinta Ururada aan Dawliga ahayn,Waan ka diwaan gashanahay,sida,Wasaaradda Arrimaha Bulshada,Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Taliska Police-ka iyo Dawladda Hoose Hargaysa".




Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Hudheelada Md:Bashiir Sh.Maxamed Mar la waydiiyay inay Jiraan Cid wax la qabatay Ururkooda,ayaa uu sheegay inaanay jirin Cid wax taageero ah u Fidisay Ururkooda.




Gudoomiyaha ayaa dhex Fadhiyay Xafiis aan Qalabaysnayn,Waxaanu Xukuumadda dhexe iyo Dawladda Hoose ugu baaqay inay ka Caawiyaan Qalabaynta Xafiiska iyo Kharashaadka kale ee Uu Ururku u baahan yahay.




Mar uu ka Waramaayey waxa u Qabsoomay intay Shaqaynayeen ayaa uu sheegay inay u Qabsoontay,Soo Jeedinta in Shaqaalaha Hudheeladu Qaataan Warqadda Cadaynta Caafimaadka Shaqaalaha,Madaama ayuu yidhi ay Gacanta ku hayaan Hawl Muhiimadeeda Leh,Waxaanu Mahadnaq u jeediyay Maayarka Magaalada Hargaysa ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid,Oo uu Sheegay inuu yahay Maayar wax wadda Qabsiga iyo Horumarka jecel.




Gabagabadii Gudoomiye Bashiir Sh.Maxamed C/raxmaan Wuxuu ugu Baaqay inay Shaqaalaha Hudheeladu Qaataan Warqadda Caafimaadka,isaguna uu diyaar ugu yahay Xafiiska,oo ka soo Horjeeda Fooqa Dalwanaaje,Si Uu Xirfadooda Kor ugu Qaadi lahaa una Diwaan galin lahaa.




Talaaban ay isku Xulufaysanayaan Hadba Cida isku Xirfad ah,ayaa ah mid Guul ah,haddii sidii La Rabay Looga Hawlgalo.