Jowhar(GNA)-Saddex ruux oo ka mid ahaa dad saarnaa doon ay ugaga gudbayeen buqda Dhay-gawaan ayaa la la’ yahay kadib markii ay la qalibantay doontii ay saarnaayeen.
Doontan oo ah nooca huuriga loo yaqaan ayaa dadkan waxa ay ugaga gudbayeen buqda Dhaaygawaan oo illaa 5km u jirta magaalada Jowhar.
Doontii ay saarnaayeen dadkan ayaa u weecatay dhinaca buqda waxana ay sababtay in dadkii saarnaa doonta oo tiradoodu gaareysay illaa siddeed ruux ay ka boodaan kadibna isku dayaan inay dabaal ugaga baxaan biyaha” sidaasi waxa ku warantay Jowhar.com.
Hase yeeshee waxa wararka ay sheegayaa in la waayay labo ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonta iyo mid kamid ah dadkii doonta waday ama naaquude ka ahaa.
Labo ruux ee ka mid ah dadka lagu la’ yahay buqda ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Axmed (Shugufey) iyo C/qaadir Xasan Caddow(Basal) oo ka mid ah dadka degen deegaanka Dhaaygawaan. Halka qofka saddexaad magaciisa aanan helin.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in laga yaabo in tirada dadku ay qaadeen ay ka badan yihiin saddex ruux.
Dadaalo lagu doonayay in lagu helo raq iyo ruux dadkan ayaan suurtogelin iyadoo dadaalkaana uu socday illaa maqribnimadii.
Labo bilood ka hor ayay ahayd markii gabar xoolo dhaqato ah ay ku dhimatay godanka dhaaygawaan, taasoo ah meel ay biyaha fatahaada biyaha wabiga ugaga soo gudbeen kanaalka Cali Shoobare.
Buqdan ayaa waxaa maalin walba isticmaala boqolaal ruux oo isaga kala gudba dooman yar yar.
Toddobaadkii hore ayaa waxaa buqdan labo jeer doon ku maray isuduwaha deeqaha aadanaha ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini iyo wafdi uu hogaamminayay oo booqasho labo maalmood ah ku yimid magaalada Jowhar.
Magaalada Jowhar ayaa labadii bilood eeugu dambeeyay noloshu khatar ku jirtay, ka dib markii fatahaado iyo dagaalo ehliyi isu raaceen.
Gobanimonews
Muqdisho Office