Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa saakay albaabada u laabay xarumaha shirkadaha xawaaladaha ee degmadaasi, sabab aan la garanayn.
Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Af-gooye ayaa sheegay in talaabadan uu qaaday Nin ku magacaaban Wasaaradda maaliyadda Xafiiskeeda Degmada oo ciidan Beeleed wataa.
Xidhista xarumaha shirkaddaha lacag dirista ayaa saameyn ku yeelatay dadka adeega u soo doontay goobahaaasi
Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amaanka ee maamulka degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay inaanu jirin wax amar ah oo maamulka ka soo baxay oo arintan ku saabsani
“Ma jirin go’aan ka soo baxay maamulka oo lagu xiray xawaaladaha degmada Afgooye, waxaa arintaas ku dhaqaaqay nin ku magacaaban madaxa wasaarada maaliyada ee degmada oo ciidamo beeshiisa ah watay” ayuu yiri.
Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in markii arintaas ka war heleen ay qaadeen talaabo ay uga hor tagayaan ayna ku guuleysteen iney dib u furmaan xarumaha xawaaladaha degmadaas, isagoo tilmaamay iney talaabo adag ka qaadi doonaan masuulka talaabadaas qaaday.
Xiisad u dhexaysa beelo wada degen Gobolka Shabeeladda hoose ayaa saameyn ku yeelatay amaanka deegaamo badan oo Degmada Af-gooye ka tirsantahay.
Degmadan ayaa todobaadkii hore lagu dilay afar dhakhtar oo saddex u dhalatay Syria iyo mid Somali ah, kuwaasoo hawlo caafimaad u tegayay cisbitaal ku yaala degmada.
Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan aya falkaasi fuliyay.
Gobanimonews
Muqdisho Office