Thursday, December 12, 2013

Golaha Deegaanka Caynabo oo Hambalyo u diraya Meherka Xildhibaan Jeesto iyo Marwadiisa


Dhamaan Mudaneyaasha Golaha deegaanka Caynaba, Guddoonkooda oo kala ah:-




Maayir Faysal Axmed Jaamac, Maayir ku –xigeen Cali Maxamuud Aadan, Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan, Xildhibaan Xasan Dhabaase, Xildhibaan Faysal Dakahare, Xild Nuur madoobe, Xildhibaan Xasan Casayr, Xildhibaan Mustafe Siidhi, Xild. Cali Maxamed Cun-cun, Xildh. Abokor Shide, Xildh. Qodax iyo Xildh. Axmed qani Xaaji Yuusuf, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse  iyo dhamaan Shaqaalaha iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Dawladda hoose ee Degmada Caynaba, waxay Hambalyo Meher wacan u dirayaan Boqorka iyo Boqoradda, Xildhibaan Khadar Maxamuud Yuusuf Jeesto iyo Aamina Axmed Maxamed oo xalay Meherkoodu ka dhacay Magaalada caynaba, gaar ahaan Hudheel ISHA Caynaba.




Waxaanay ilaahay uga baryayaan inay noqdaan labadii aqal-galkooda ku gaadha Bash-bash iyo Barwaaqo, nabad iyo badhaadhe.




Isku waara ubad kheyr qabana kala hela.




Aamin ………………………Aamin…………………….Aamin