Geeddi socodka Siyaasadda Adduunka ee qarniga 21-aad ayaa ah mid ku dhisan hanaan ka duwan qarniyadii ka horeeyay ee adduunyadu soo jirtay.
Tani waa calaamad muujinaysa isbedel nololeed, siyaasadeed iyo bulsho oo caalamku ku sii siqayo marba marka ka dambeysa, ilaa dhamaadka xiliga lama sheegaanka ah ee qadarka Eebbe ku xidhan.
Somaliland waa waddan ka mid ah Mucjisooyinkan Caalamka ku soo kordhay ee gacanta eebbe iyo go’aanka Bulshada ku soo dhaafay dhamaadka qarnigii 20-aad ee tegay, kan iminka lagu jirana ku soo gaadhay sanadkiisa 13-aad ee sii galbanaya.
1991-kii ayaa Magaalada labaad ee dalkan lagaga dhawaaqay nidaam dawladnimo iyo madaxbanaani waddan oo ku timi halgan dagaal oo wakhti dheer iyo dhiig loo huray, laakiinse yoolkii xiligaasi u muuqday hogaanka siyaasaddu waxa la odhan karaa, wax badani ugamay sawirnayn marxaladda haatan dalku marayo in la soo gaadhayo.
Waxa uu dalkani ka soo gudbay Xaalado kala duwan oo xiliyadda qaar sababi karayay inuu fashilmo qorshihii lagu dejiyay Burco iyo dhismihii dawladnimo.
Waxaana xaaladahaasi ka mid ahaa Dagaalo Ehli ah, khilaafyo siyaasaddeed iyo caqabaddo dhaqaale xumo oo mar walba taagnaa, hase ahaatee marxaladahaasi midba midkay ka adkeyd waxa lagaga soo gudbay isu tanaasul, wada hadal iyo awooddo rabbaaniya oo Samirku ka mid yahay.
marka aanse xaqiiqda la hilmaamayn kumanaan Dhalinyaro iyo dad waaweynba isugu jira ayaa tobankii sanadood ee ugu dambeeyay waddanka uga tahriibay shaqo la’aan iyo dhaqaale xumo saamayn ku yeelatay nolosha.
Taasise kamay turmayn, kamana turmayso hada in laga reja dhigay maxsuulka dawladnimo, dalnimo iyo dedaalka laga dhaxlay halgankii Xinjirta badani ku daadatay ee SNM, balse waxa lagu tilmaami karaa marxalad ku timi xiliga kala guurka ah iyo gol-daloollooyinka dhaqaale ee waddanka haystay oo aan ilaa hada la odhan Karin waa laga gudbay, maadaama wali shaqo la’aanta dhalinyaradu sii jirto.
Saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay, waxa muuqata in wax badani iska bedeleen arrimaha dhaqaalaha waddanka, waxaana dib dhis balaadhan lagu sameeyay meelo badan oo muhiima, sida waddooyinka iyo xarumaha Dawladda.
Hase ahaatee lixdii bilood ee ugu dambeeyay sanadkan waxaad moodaa in buuq siyaasaddeed oo dhinacyo badan ka imanayaa saameyn ku yeeshay geedi socodka hanaanka dimuquraadiyaddeed ee waddanku ku hana qaaday iyo isku duubnimada afkaarta guud ee qarannimo.
Buuqaasi ayaa muuqda mid kala fogeeyay dhinacyada ku jira xayndaabka siyaasadda ee Bulshada qaybaheeda kala duwan metelaya, sida Xukuumadda oo dadka oo dhan u dhaxaysa, Xisbiyadda Mucaaridka iyo dhaqdhaqaaqyada ay ku bahoobeen ashkhaasta siyaasadda ku jira ee somaliland oo ka madax banaan Hay’addaha sharciga ku dhisan.
Uma eeka isfaham darada jirta wax sidaasi u sii ridan oo lagu kala fogaan karo, laakiinse waa arrin u baahan in laysku soo dhawaado, isla markaana looga wada hadlo si bilaa saraaxad ah oo calool furnaan iyo isqadarin ku dhisan.
Ma jiro qof sharciga ka weyn oo qaadi kara talaabo awood sheegasho ah, xataa Madaxweynaha dalka haday noqoto, waayo taasi waa khatar aan ku koobnaanayn qofka falay, balse qaranka oo dhan saamaynaysa, mugdina gelinaysa hayaanka loogu jiro higsiga mustaqbalka dhow ee ifaya.
Labadii todobaad ee ugu dambeeyay ayaad moodaa in lagu soo dhawaaday maslaxad iyo isku soo dhawaanshiyo dhinacyo badan ka soo bu’aya, taasoo looga soo gudbay afkaartii kala fogayd ee ay xukuumadda iyo asxaabta Mucaaridku ka taagnaayeen mawduuca shirka dood qaran ee hindisihiisu xaasaasiyadda abuuray.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si rasmiya sheegtay inay soo dhaweynayso arrimaha ku saabsan shirkaasi ee ay qaban qaabinayaan Akaadamiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, xisbiyadda iyo Golaha Guurtidu.
Wasiirka Warfaafinta, wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa mawqifkan xukuumiga ah kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.
“Anagu (xukuumada) wadatashi waanu ogol nahay, howsha uu gacanta ku hayay golaha guurtidu si fiican ayaanu u soo dhawaynaynaa, akadamiyada waanu soo dhawaynaynaa, waanu soo dhawaynaynaa in xisbiyada qaranku isu tagaan oo kawada hadlaan danaha dalka, doorashooyinka iyo danaha nabad galyada oo xukuumaduna gacan ka siiso wax kasta oo u fududeynaya inay talo saalaxa dhiiban”.
“xukuumaddan ayaa loo doortay in ay hogaamiso dalkan, dalkana horumar iyo dhisme ayaa ka socda, maanta ma ogi anigu balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahatay. dooddani waxay noqon doontaba akadamiyada ayay u taalaa oo u magac bixin-doonta laakiin dadka yaan lagu dawakhinin waa dood qaran waa dood ficiis ah, howl inaga inoo taala maaha, waxay u taalaa akadamiyada, golaha guurtida iyo xisbiyada qaranka ee wada hadlayay”.ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya debecsanaan siyaasaddeed oo xukuumaddu muujisay,taasoo meesha ka saaraysa walaac iyo jahawareer bulshadu ka qabtay natiijada ka dhalan karta kala fogaanshiyihii jiray iyo ismari waagii siyaasaddeed.
Geesta kale, waxa muuqata in isfaham dhacay, isfahamkaasoo wax walba wanaag iyo wada hadal lagu dhamayn karo hadii halkan looga sii dhaqaaqo dhinaca wanaagsan ee laysugu iman karo.
Shirka Doodda qaran haddii lagu sii waddo dariiqa cusub ee laysku waafaqay, isla markaana ajandihiisa lagu jaan-gooyo waxaan dib u soo celin Karin xumad siyaasaddeed, waxa muuqata inaan guul mooyaane, guul daro laga filan Karin, daanna u yahay horumarinta dhismaha dawladnimo iyo dhinacyada wax ka qabashada u baahan.
Hadaba dhamaanba daneeyayaasha arrintan xukuumaddu mawqifka debecsan ka istaagtay ayaa laga rabaa inay iyaguna ku soo dhawaadaan marxaladda isfahamka, muujiyaana musawir siyaasaddeed oo ka duwan sidii hore, kaasoo saamaxaya in la gaadho xili gacmaha lays qabsado, dabadeed meel looga wada jeesto.
Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isagana laga rabaa inuu kaalin mug leh oo muuqata qaato arrintan, isla markaana manjaraha u qabto dhaqdhaqaaqyadan marka meel laysugu yimaaddo.
Taasoo hadii uu fuliyo wax badan ka bedeli doonta geeddi socodka siyaasadda waddanka ee Mustaqbalka dhow.
Waxa xaqiiqo in dhamaan hadii dhinacyada siyaasadda somaliland isfahmaan guul la gaadhi karo.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews Chief Editor
Hargeysa/ somaliland
Email: editor@gobanimonews.com