Aadanuhu wuxuu ku wada xidhiidhaa tabo leh qaabab kala duwan.
Xidhiidhkaasi siyaabaha uu u dhaco waxa ka mid ah in hadallada la is weydaarsanayo lagu tebiyo si toos ah iyo si aan toos ahayn(Sarbeeb).
Maldihidda iyo muujinta ujeeddada waa mid ku sugan midhaha maansada, murtida, maahmaahda iyo mucda hadalka laysugu gudbiyo midkood.
Kala gurida hannaanka errayada ama weedhuhu ugu jiraan afka, labadaa midkood,waxa door weyn ka ciyaara kelmadaha raacsan erayga ama jumladda iyo kaalinta uu ka taagan yahay gaballada weheliya .
Xidhiidhku waa arrin noolaha gebi ahaantii ka dhexeeysa. Waa in la helaa cabbir suura gelinaya xidhiidhka, kaasoo wada xidhiidhayaashu isla garan karaan.
Aadanuhu waxay isu fahmaan habab kala gedisan oo ay ka mid yaahin : hadal, tilmaan, muuq iyo wixii la mid ah.
Dhawaaqa leh xuruuf macna sameeya ayaa ugu badan sida la isu fahmo iyada ayaana ah udubdhexaadka ay isku afgartaan aadanuhu, Kaas ayaa kala dega hogagga ay suugaantu ka jeexato afka shaxda lagu bilo.
Laakiinse waa daruuri in labada qof ee ku wada hadlaya Afmaldahanuhi isfahmaan ama mawduuca ay ka wada hadlayaan noqdo mid godkiisa laysla wada garamayo.
Oodda suugaanta waxa ku hoyda dirar badan, waxaana ka mida diirar u sii kala farcamaan isirro daboola qaybaha kala duwan ee afka.
Dirka Sarbeebtu waxay koobtaa afka qaybtiisa ku dhisan erey ama ereyo loo isticmaalo macna ka tagsan kan caadiyan asal u ahayd.
Gabyaaga Soomaaliyeed midhaha maansada wuxu u gardaadsadaa si qiimo iyo qoto dheeri ku jirto isagoo ka warraabiya tixida maansada boholaha sarbeebta laasaskeeda kala duwan ee ka qodan. Gabayga maldahan waxa ka mid ah kuwa loo isticmaalo hannaanka ekeynta iyo sharreerrida.
Maansoyahanka raba in uu si buuxda ugaga hadlo gabadh quruxdeed ama nin geesinnimadiisa ama shay qiimihiisa wuxu barbardhigaa ama u ekaysiiya walax dadku si sahlan ugu qiri karaan shayga la doonayo in la tilmaamo.
Gabyaa tebinayey gabadh quruxdeed oo qaybaha uu ka tilmaamay quruxdeeda ay ahay timaheedu , Quruxda Muuqeeda waxa eegaa am aka fikiraa waxa uu barbar dhigi karo.
Tusaale ahaan timaada wuxuu ku sheegaa Saynta Faraska.
Gabyaagii Cumar Ustareeliya ayaa mar uu gabadh quruxdeeda u sifeeyay:
Jidh sifeysan saameelka qurux Eebbe wada siiyey
Ma haldhaa barriimaha simaa timaha loo soohay
Ninkii saacad daawaday jannada waa ku sugayaaye
Khad miyaa dibnaha loogu sugay sidanna waa yaabe
Ka sokow habka ekeeyaha ah ee uu adeegsaday sifaynta timaha guud haldhaalay, Abwaan Cumar Ustareeliya wuxuu ku cabbiray quruxda gabadha wax la abuuray waxa ugu wanaagsan waa jannada. Cumar wuxu inoo soo gudbiyey in kan ay say u noqotaa gabadhani uu ku sugaya daawashadeeda jannada, inkasta oo ay aragti tahay.
Marka laga hadlayo ama Suugaanyahanada somalidu tilmaamayaa geesinimadda Raga ama uu ninka abwaanka ahi is faaninayo wuxuu isku sifeeyaa waxyaabo badan oo ka mid ah waxyaallaha dadku u yaqaanaan lama loodiyaanka, sida Libaaxa.
Waakan Abwaan kale oo isla simaya liibaax si uu geesinimadiisa ama ta raga u sawiro.
Kolkii aan ablay qaato oo eebbada halleelo
Sidii aar libaax oon kalaan lay ag imanayn
Ma awaarihii baa baqaha oogga sare gaadhay ..
Si kastaba ha ahaatee isticmaalka Suugaanta Eekeeyaha lagu lamaaneeyaa waxay ka mid tahay waxyaabaha qannimadda iyo quruxda u yeelaha hadalka uu qofku ku hadlayo.
Waxaanay inta badan ladhaa Gabayga ama Maansada awood iyo Miisaan ka sal balaadhan intii ay yeelan lahayd hadii hadal toosan ama kelmaddo jaban lagu sheegi lahaa.
Diyaariye: Saleban Cabdi Cali Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com