Thursday, December 26, 2013

Somaliland: Dadka ku dhaqan Magaalada Qaadiimiga ah ee Sheikh oo ku nool biyo aan Nadiif ahayn


Dadweynaha oo sheegay inay ka cabaan Baliyo aan nadiif ahayn, ka dib markii laga  Musuqmaasuqay lacagtii loogu talo galay biyo gelinta.Warbixin




Sheikh(GNA)-Dadwaynaha Degmada sheekh ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhibaato xaga Biyaha ah.




Magaaladan ayaa ah Magaalo Taariikhi ah, isla markaana muhiimad weyn u leh dhinaca Waxbarashada iyo dalxiiska.




Waxaana ku yaala xarumo waxbarasho oo waaweyn, sida Dugsiga Boodhinka ah ee SOS, Dugsiga Culuumta Xoolaha oo ay Maal-geliyaan Ururka IGAD iyo Hay’adda Ternova iyo goobo kale oo muhiim ah.




Dadweynaha ku dhaqan Magaaladan ayaa sheegay inay  biyaha  ku helaan oo kaliya Booyado kasoo dhaamiya Baliyo aanay nadaafadoodu fiicnayn oo ku yaala meelo ka baxsan Magaalada,  taasoo ay sheegeen inay halis ugu jiraan caafimaad daro.




Biyaha ay ka cabaan dadweynaha ku dhaqan degmada ayaa markaad aragto waxaad dareemayso inay yihiin kuwo dhoobo leh,waxaanay dadwaynaha reer sheekh oo aanu arintan wax ka waydiinay ay dawlada ku eedeeyeen inay biyo galinta magaalada sheekh ay ku baxday lacag maalayiin doolar ah taas oo ay sheegeen inay martay sifo khaldan.




C/rashiid Muuse Diiriye oo ka mid ah Dadweynaha ku nool degmada Sheikh ayaa Gobanimonews u sheegay ''Magaaladan sheekh waxaa ka jira biyo xumi oo gaadhi gaadhi saaran oo isku raran baad arkaysaa markaad magaalada timaado Foostadii waxay booyadahaasi siinayaan 10,000 sh sland”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaana dhacda in qofka danyarta ah ee magaalada degani aanu iibsan karin haafka biyaha ah oo shan kun ah haday doontana ay booyadu odhanayso ma iibinayo haafka”




Cisbitaalka Magaalada ayaa isaguna biyo la’ sida uu sheegay mar kale cabdirashiid.




“waad aragtay cisbitaalkii biyo ma laha oo booyad ayaa markay doonto u shubta markay doontona la waayayaa” – “halkan sheekh waxaa ah xeradii ciidanka oo madaxay jirikaamada kusoo dhaansadaan markay booyada waayaan,jaamacadihii,iskuuladii iyo dugsigii Xanaanada Xoolaha oo intaba ardaydu ay uga timaado geeska afrika ayaa seekh ku yaala oo aan biyo haysan iyadoo ay magaalada ku wada jiraan qasabadihii,taasina waa sumcad xumi haysata wasaarada Biyaha,Gobolka iyo dawlada hoose,waxaan leeyahay dawladu way ilawday magaalada sheekh oo dan baanay ka lahayn.




Saleebaan Maxamed ayaa isna waxa uu yidhi''magaaladan sheekh waxa naga haysata Biyo la,aan ilaa intii uu xilka kulmiye qabsaday way soo noqnoqonaysay biyo la,aantani lacag ilaa laba milyan oo doolar ah baala galiyay biyaha sheekh,waxaanu maqlaynay cidii lacagtaas loo dhiibay waa la daba socdaa iyo waa la qabtay meel ay ku danbaysayna ma hayno.




Xaali haybe warsame  oo ka mid ah Haweenka Magaalada degen ayaa sheegtay in biyo la’aantu dhibaato ku hayso '' Biyo li,idu dhibaatay nagu haysaa oo qofkii oo lacagtii haysta ayaanu biyo helayn iyadoo magaalada qasabadihii noogu jiraan,waxaa nagu dhacda anagoo raashinkii haysana inaanaan biyo helin taasina ay nagu keento in quutal daruurugii cidhiidhi nagu noqdo,marka la helona dhooqo ayaa naloo keenaa,sidaas daraadeed caafimaadkii ayaa halis ku jira”ayay tidhi.




 “Maayarka yaanu maalin dhawayd aanagoo odayaasha magaalada ah arintan uga cabanay oo waxa uu nagu yidhi toban casho iga war suga waxa danbena kama hayno”sidaas waxa yidhi midka mid ah odayaasha magaalada sheikh oo la hadlay Warbaahintan.




Wariyaha Gobanimonews ee Booqday Magaaladan taariikhigi ah ayaa sheegay in markaad gasho magaaladaba aad dareemayso  dhibaatadan biyo dhaamis ee ka jirta.




Waxa uu intaasi ku daray in magaaladu sii fidayso, isla markaana mashaariic badani ka socdaan, hase ahaatee dhibaatada biyo la’aantu boog xanuun badan ku haysa bulshad degmada ay tahay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com