Wednesday, December 25, 2013

S/land:Xukuumadda oo hakisay Mashaariicda iyo Dhismeyaasha ku jira Miisaaniyada 2014 oo Fashilantay


Walaac dhaqaale oo xukuumadda la soo dersay, Mashaariicdii ku jiray Miisaaniyadda 2013 oo Dhisme qudhi ka fulay  iyo kuwa ku jira 2014-ka oo la hakiyay ilaa july 2014,




Qofka cashuurta bixin waaya oo ganaax lagu soo rogay, Mashaariicda fashilmay  iyo Miisaaniyadda 2013-ka oo 25% cirka laga eegay”Warbixin Akhri




Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa hakisay ilaa bisha jully ee sanadka soo socda kharashaadka Dhismayaasha cusub, iibinta Hantida raagtay iyo Kharashaadka Mashaariicda ku jira.




Lama caddeynin sababta loo hakiyay mashaariicdaasi oo muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada dawladda iyo hir-gelinta mashaariicda ay dawladdu balan qaaday.




 hase ahaatee waxa muuqata oo wareegto arrintan lagu shaaciyay iftiiminaysaa inuu jiro wer wer Maaliyaddu ka qabto in Dakhliga Miisaaniyadda ku jiraa soo xareenayo iyo in kale, kaasoo ay hay’adda dakhli soo saarka ku adkeeysay inay isku taxalujiyaan  sidii loo soo xerayn lahaa.




Odoroska Miisaaniyadda 912,000,000,000 shls, taasoo ka badan Miisaaniyadda 2013-ka 162.000,000,000shls, waxaana ku jira mashaariic badan oo dawladdu ku faanto in la fulin doono, mushahar kordhin shaqaale iyo kharashaad kale oo daruuriya, kuwaasoo hakad imanayo ilaa bisha jully.




Digreeto uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, taasoo lagu dhaqan gelinayo Miisaaniyadda Dawladda ee 2014 oo bishii October Golaha wakiiladdu ansixiyay, ayaa lagu sheegay in isticmaalka Kharashka miisaaniyaddaasi ku jiraa ku salaysnaan doono hadba dakhliga dawladda soo gala, iyadoo si saddexdii biloodle ah loola socodsiin doono Hay’addaha Dawladda xaaladda Maaliyaddeed jirta.




“Kharashka Miisaniyada sanadka  2014 waxa uu ku salaysnaan doonaa, hadba inta uu yahay dakhliga ina soo galla taasoo la idinku wargalin doono wareegto hadba xaaladu siday tahay saddexdii billoodba hal mar.




Iyada oo lagga duulayo qaabkaasi ah isku dheelitirka Dakhliga, Kharashka  iyo cashuuraha Maaliyadeed, waxa la raaci doonaa qodobadan hoos ku qoran:.




 




A: Kharashyada la hakiyey illaa bisha Julay:




 




·        Kharashka Dhismayaasha




 




·        Kharashka Iibinta Hantida raagta.




 




·        Kharashka Mashaariicda ku jirta.




 




“B. waxa reeban in la galo kharash dheeraad ah (Over Expenditure) oo ka baxsan Miisaniyadda, sida ku cad xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada Qodobkiisa 17aad Xubintiisa 1aad”ayaa lagu yidhi digreetada uu soo saaray Wasiirka Maaliyaddu.




Inkasta oo aanu wasiir Samaale cadeynin sababta uu u hakiyay Mashaariicda ku jirta Miisaaniyadda muddada intaasi le’eeg, iyadoo boqolkiiba wax ka yar laba mashruuc la fuliyay kuwii sanadkan dhamaanaya ku jiray, hadana sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa Gobanimonews u sheegay inay tani tahay sababo la xidhiidha dhinaca Dakhliga oo aan haba yaraatee wax gacanta lagu hayaa jirin.




“arrintan waxa loo samaynayaa waxa weeye lacagbaan jirin, waayo mashaariicdii sanadkan tegaya miisaaniyadda ku jiray wax ka fulay waxa la hayaa Dhismaha wasaaradda Ciyaaraha oo qudha, wixii kale oo dhami may fulin, markaa waxa loo hakiyay wax kale maaha waa lacag la’aan”ayuu yidhi Sarkaalkan oo codsaday inaan Magaciisa la shaacin.




 



Geesta kale, arrintani dadka dhaqaalaha taxliiqiya ama aqoonta u leh waxay ku noqotay mid lala yaabo “anniga waxan meesha lagu sheegay ee Miisaaniyadda ku jira ee hadana la hakiyay ilaa sanadka dambe kala badhkiisu ma garanayo wax looga dan leeyahay, laakiinse waxaan u malaynayaa uun inay tahay lacag la’aan, waana arrin u baahan in laga baaraan dego”sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay Dhaqaaleyahan Maxamed oo ah khabiir cilmiga dhaqaalaha ku takhasusay.




Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland waxay sheegayaan in Miisaaniyad sanaddeedka 2013-ka aanay soo xaroon 25%, taasoo sababtay inay fuli waayaan mashaariic faro badan dawladdu ka fulin lahayd gobollada dalka, kuwaasoo dib loogu daray miisaaniyadda 2014.




Waxaana Mashaariicdaasi ka mida:




“Dhismaha Madaarka Burco iyo dib u dhiska madaarka Boorame




•        Mashruuca Xanaanada xoolaha




•        Dhismayaasha Cisbitaalada Buuhoodle iyo Wajaale




•        Dhismayaasha hoolka Cisbitaalka TP-da Hargaysa iyo dhismaha deyrka Cisbitaalka guud ee Caasimadda




•        Dhismaha School-ka agoomaha magalada Burco




•        Dhismaha laybareeriga Qaranka




•        Dhismaha laybareeriga barashada English-ka ee Jaamacadda Hargeysa




•        Dhismayaasha xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda sida:




 Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta, wasaaradda awqaafta, wasaaradda deegaanka iyo reer miyiga, wasaaradda ciyaaraha, wasaaradda Warfaafinta, Hoolka fanaaniinta qaranka, xarunta hanti dhowrka guud ee qaranka, xafiisyada wasaaradda maaliyadu ku leedahay caasimada iyo gobolada dalka , xafiisyada wasaaradda arimaha bulshada ee magaalooyinka gebilay iyo balligubadle




•        Dhismayaasha jaamacadaha Bashan, Burco, Berbera iyo Cammuud




•        Mashruuca daryeelka ceelasha Biyaha




•        Dhismaha xarunta gudida baadhista xasuuqa




•        Dhismaha xarunta dhaqanka iyo nolosha miyiga




•        Iibka roogga garoonka kubadda cagta ee Hargeysa




•        Iibsiga dabdamiska




•        Iibsiga qalabka gaadiidka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda




•        Iibsiga qalabka isgaadhsiinta iyo isku xidhka shirkadaha




Mashaariicdaasi waxay isugu jiraan kuwo la dhagax dhigay iyo kuwo aan wali la bilaabin, sida Cisbitaalka Buuhoodle, Dhismeyaasha Cisbitaalka TB-da, Dhismaha xarunta Dhaqanka iyo nolosha Miyiga, Cisbitaalka wajaale, waddooyinka iyo kuwo kale oo badan.




Waxaana ka fulay oo qudha sida lagu muujiyay Sawir Wasaaraddu ku soo lifaaqday Wareegtada Dhismaha Wasaaradda ciyaaraha oo ah dhisme  fooqa oo laba dabaq ka kooban.




Digreetada Wasiir Samaale




Digreeto Miisaaniyaddeedkan, waxa sidoo kale lagu sheegay inaan la isticmaali Karin kharashaad dheeraada (Over Expenditure), waxaana lagu armay in Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladdu saddexdii biloodba hal ay soo gudbiyaan xisaab celintooda.




Halka qodobka ugu muhiimsan marka la eego arrimaha lagu xusay lagu tilmaamay in heshiisyada mucaawimooyinka Hay’addaha Caalamiga ah iyo xadiga kharashka Mashaariicda ay bixinayaan loo soo gudbinayo Wasaaraddaha Maaliyadda iyo qorsheynta Qaranka, kuwaasoo isla xisaab celinta Mashaariicdaasi loo soo gudbinayo lixdii biloodba mar.




Waxaana lagu yidhi sidan




 




Anagoo Fullinayna Go’aanka Ansixinta Miisaniyadda 2014 ee golaha wakiiladda, LR.GW/WAK/04/147/2013. Ee 24/11/2013 iyo Xeer madaxweyne JSL/M/XERM/249/2172/112013 ee 24/11/2013 iyo xeer madaxweyne Lr.0369/112013 ee 24/11/2013 oo lagu baahiyey dhaqan galka Miisaniyada Sanadka  2014.




 




Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa nidaamkii iyo tilmaamihii lagu dhaqmi lahaa miisaniyada sanadka 2014 oo ka kooban dakhli iyo kharashba.




 




1.Dhakhliga.




 




Dhammaan wasaaradaha dawlada dhexe iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran dakhli ururinta  waxa lagu adkaynayaa  in ay u hawlgalaan qiyaasta dakhli ee laga rabbo inay soo xareeyaan eek u tilmaaman  shaxda deegamaynta  halkan ku lifaaqan idinkoo raacaya shuruucda tacriifadaha iyo hab xisaabeedka dawlada, kuwaasi oo wareegtooyin gaar ah la idiinku soo gudbiyey.




 




Wax kale oo xusid mudan in madaxda sarre ee Hay’adaha dakhli ururintu iska saaraan xil dabagalka, soo xareynta iyo ogaanshaha heerka dakhliga (kor u kaca iyo hoos u dhacaba) Sida ku cad qodobka Lr.22 ee xeerka kastamada badeecad kasta oo kootarabaan lagu qabto waxa lagu macaamili doonaa sidan:-




 




·        Marka hore wax lagu ganaaxi doonaa saddex jibaar cashuurta ku waajibtay oo loo geeyey cashuurta dhabta ah.




 




·        marka labaad 6 jibaar cashuurta ku waajibtay oo loo geeyey cashuurta dhabta ah, iyo maxkamada oo loo gudbiyo.




 




2. Kharashka:-




 




Kharashka Miisaniyada sanadka  2014 waxa uu ku salaysnaan doonaa, hadba inta uu yahay dakhliga ina soo galla taasoo la idinku wargalin doono wareegto hadba xaaladu siday tahay saddexdii billoodba hal mar.




 




Iyada oo lagga duulayo qaabkaasi ah isku dheelitirka Dakhliga, Kharashka  iyo cashuuraha Maaliyadeed, waxa la raaci doonaa qodobadan hoos ku qoran:.




 




A: Kharashyada la hakiyey illaa bisha Julay:




 




·        Kharashka Dhismayaasha




 




·        Kharashka Iibinta Hantida raagta.




 




·        Kharashka Mashaariicda ku jirta.




 




B. waxa reeban in la galo kharash dheeraad ah (Over Expenditure) oo ka baxsan Miisaniyadda, sida ku cad xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada Qodobkiisa 17aad Xubintiisa 1aad.




 




C. Waa in Isticmaalka kharashyada aan lagu koobin Magaalo madaxda oo kali ah   ee lagu fidiyo, laguna baahiyo dhammaan xafiisyada Gobolada, Degmooyinka Dalka, iyada oo la raacayo habka waaranadda si loo  af-jaro Cabashooyinka ka yimaada gobolada iyo degmooyinka.




 




D. in awooda kharashka (Warrant) ay gaadhaan dhammaan gobolada iyo degmooyinka, saddex billood walba bisha u horeysa, una soo diraan xisaab celinta xaruntooda maamul saddex billood walba.




 




E. sida ku cad qodobka 54 aad ee xeer nidaamiyaha xisaabaadka, waa in wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladdu saddex billoodkiiba hal mar u soo gudbiyaan xisaab celintantooda  guud wasaarada maaliyadda gaar ahaan waaxda miisaniyadda iyo xisaabaadka guud, isla markaana aan loo sii deyn doonin waaranka kharashaadka Saddex billoodka ka danbeeya ciddii keeni wayda.




 




F. Biilasha Taagan ee ka soo hadhay sanadkii hore ee 2013, waxa loo bixin doonaa qaabka ay ku baxaan kharashyada miisaniyadu.




 




G. cid kasta oo lacag gacan ku hayn ah qaadata (Imprest) waa in ay ku soo xarayso khasnada dawlada inta ka horeysa 31 December waxaana laydin xasuusinayaa in ciddii hore loogu lahaa lacagta Impres-ka ah aan loo ogolaan doonin mid danbe illaa inta ay ka soo xareeynayaan kii hore, xisaabiyaha guudna waxa laga codsanayaa in uu waaxda miisaniyadda u soo gudbiyo Liiska Wasaradaha iyo hay’adaha ee aan illaa hadda soo xareyn Imprest-kii ay qaateen.




H. Agaasimaha waaxda miisaniyada, xisaabiyaha guud ee dawlada iyo hantidhawrka guud waxa lagu wargalinayaa in waaranada kharashka ee soo gaadha hawshooda ka gutaan muddo ku siman saddex cisho guddahood oo ka billaabanta maalinta loo soo gudbiyo, Dabagalka hawlaha la xidhiidha waxa ka masuul ah cida waaranka kharashka leh.




3. Kala wareejinta Miisaniyadda (Budjet Variation).




Sidda uu qeexaayo Qodobada 16 aad xarafkiisa 3aad ee xeerka maamulka Maaliyadda iyo xisaabaadka, wixii kala wareejin ah madax xigayaashu waxay ka bilaabi doonaan 1 July illaa November, waxaana awood kala wareejinta leh wasiirka wasaaradda maaliyadda sida uu tilmaamayo qodobka 6aad xarafkiisa B ee xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada, waxaana ka reeban in kharashka shaqaalaha iyo hantida raagta wax laga wareejiyo.




Fulinta Siyaasada 2014. Sida ku cad go’aanka golaha wakiilada ee kor ku xusan waxa lagu ansixiyey lifaaqa siyaasada miisaaniyadda 2014, waxaanan halkan idinku soo gudbinayaa qodobada ugu muhiimsan ee u baahan in aynu si wadda jir ah u fulino waana siddan.




 In wixii hay’adaha caalamiga ahi ku caawiyaan hay’adaha dawlada heshiisyadooda loo soo gudbiyo wasarada maaliyadda iyo wasaarada qorshaynta qaranka sidoo kalena xisaab celintooda lix billood kasta loo gudbiyo wasarada maaliyadda.




Wasaaradda Maaliyadda oo Been ka sheegtay Gunno bixinta Derejooyinka Ciidanka




Sidoo kale, nuquladda lagu shaaciyay dhaqan gelinta Miisaaniyad sanaddeedka dawladda ee 2014-ka, waxa lagu lifaaqay qoraal iyo shax lagu muujiyay mashaariicda dawladdu fulisay iyo kuwa sanadka qorsheysan, taasoo dhinaca kale lagu muujiyay qoraal faan iyo amaan badani ku jirto.




Waxa sidoo kale wasaarradu been ka sheegtay bixinta Gunnooyinka Derejadda Ciidamada loogu kordhiyay.




Miisaaniyadda qaranku waxa ay ka mid tahay waxqabadka iyo qorshayaasha Xukuumadda JSL, sidaa darted Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay sanadkan ku dartay mashaariic horumarineed oo wax weyn ka tari doona baahiyaha bulshadu u qabto adeegyada aasaasiga ah, tallaabadaas oo ka mid ah fulinta ballanqaadadii xukuumadda Kulmiye.




Halkan hoose waxa aad kaga bogan kartaa liiska mashaariicda ay wasaaradda maaliyaddu ku dartay miisaaniyada Qaranka




Qaybtan labaad waxa aanu ku soo bandhigaynaa mashaariic ku saabsan hirgelinta dhismayaal iyo gaadiid ay ku hawlgalayso wasaarada Maaliyaddu














































































































NO




SUMADDA




NOOCA




GOOBTA




1




G.T.1289




Noha




Kastamka Berbera




2




GT  1318




Toyota Landcruiser




Maamulaha kastamka Berbera




3




GT  1333




Toyota Hilux Pick up




Kastamka Laascaanood




4




GT 1364




Noha




Cashuuraha berriga, Hargeysa




5




GT 1365




Noha




Cashuuraha berriga, Hargeysa




6




GT 1370




Toyota landcruisar




Agaasimaha cashuuraha berriga




7




GT 1372




Toyota Surf




Cashuuraha berriga, Boorama




8




GT 1373




Toyota Hilux Pickup




Isuduwaha Gobolada Togdheer iyo saraar




9




GT 1374




Toyota Hilux Pickup




Isuduwaha Gobolada gebiley iyo Hawd




10




GT 1375




Toyota Hilux Pickup




Isuduwaha gobolada awdal iyo Salal




11




Gt 1376




Toyota Hilux Pickup




Madaxa baadhista iyo kormeerka




12




GT 1379




Noha




Cashuuraha berriga, Gebiley




13




Gt 1380




Noha




Cashuuraha beriga Burco




14




GT 1393




Mini-Bus Hiace




Waaxda miisaaniyadda




15




GT 1406




Toyota landcruiser




Wasiirka wasaaradda maaliyadda




16




GT 1405




Toyota Landcruisar




Agaasimaha Guud





 




   Dhismayaasha cusub ee Wasaaradda maaliyaddu hirgelisay sanadkan 2013.




Wasiirka wasaaradda maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed samaale waxa uu sanadkan xadhiga ka jaray dhismayaal loo dhisay xafiisyada wasaaraddu ku leedahay magaalooyinka gebiley iyo balligubadle, xafiisyadaas oo hadda lagu shaqeeyo.























NO




Nooca dhismaha




Goobta




1




Xafiisyo cusub




Gabiley




2




Xafiisyo cusub




Balligubadle





 




 




Hirgelinta bixintii mushaharka derejooyinka ciidamada




Wasaaradda maaliyaddu iyadoo ka duulaysa qorshayaasha xukuumadda Somaliland eek u aadanaa qodobadii siyaasadii miisaaniyadda  dawladda ee 2012 waxa ay ku guulaysatay iibinta derejadii ciidamada kala duwan ee JSL, taas oo markii ugu horaysay 18 May 2013 Madaxweynaha Somaliland ku bixiyey xerada taliska ciidanka qaranka, talaabadaas oo muxaafad iyo mucaaradba ay shacabka Somaliland si weyn u soo dhoweeyeen, isla markaana ahayd guul u soo hoyatay Qaranka Somaliland.




Wasaaradda maaliyadda waxa u suuro gashay inay bixiso gunnooyinkii derejada ciidamada taas oo ciidamada loo bilaabay bishii Septembar ee sanadkan, halka sidoo kalena miisaaniyadda cusub loogu daray gunooyinkii ay ciidamadu ku mutaysteen derejooyinkaa iyo dallacaadihii ay heleen




Wasaaradda maaliyadda waxa lagu sharfay shahaado sharaf ay siiyeen Golaha wakiilada Somaliland, taasoo la gudoonsiiyey wasiirka wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis maxamed samaale, shahaadadaas oo uu ku mutaystay isagoo noqday wasiirkii ugu horeeyey ee maaliyadeed ee miisaniyadda dalka hor keena golaha wakhti ka horeeya xiligii dastuurku u cayimay.




Faashil Miisaaniyadda




Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in Faashil badani ku jiro Miisaaniyad sanaddeedka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, taasoo iyadoo la isticmaalinba goldaloolooyin faro badani ku jiraan.




Hoos ka Daalaco Shaxda Odoros Miisaaniyadeedka sanadka 2013 – 2014:




 


















 



















































































































































































































































































































































































































































































































Madax

 Magaca Wasaaradda/ Hay'ada 

 Miis. 2013 

 Miis. 2014 

 Faraqa 

1

 Qasriga Madaxtooyaddan JSL. 

            819,000,000

                819,000,000

                              -  

1A

 Madax-weyne ku-.Xigeenka JSL. 

            585,000,000

                585,000,000

                              -  

1B

 Comishanka Qaranka ee la dagaalanka HIV/AIDKA 

            669,508,120

             1,900,776,562

        1,231,268,442

2

 Golaha Guurtida JSL. 

       15,364,892,800

           17,234,053,120

        1,869,160,320

3

 Golaha Wakiiladda JSL. 

       15,639,542,400

           17,877,222,240

        2,237,679,840

4

 Maxkamada Sare. 

         1,962,840,120

             2,265,184,120

           302,344,000

5

 Xeer Illaalinta Guud Qaranka. 

         2,220,080,400

             3,346,575,440

        1,126,495,040

6

 Hay'adda Shaqaalaha Dawladda. 

         7,270,720,165

             8,332,127,845

        1,061,407,680

7

 Hanti-dhawrka Guud Qaranka. 

         1,899,834,024

             4,332,839,784

        2,433,005,760

8

 Wasaaradda  Madaxtooyadda. 

       35,851,912,824

           41,666,157,890

        5,814,245,066

8A

 Ciidanka Illaaladda Madaxtooyadda. 

         9,033,577,194

           17,024,220,874

        7,990,643,680

8B

 Garyaqaanka Guud 

            428,231,600

                597,677,840

           169,446,240

8C

 Hayadda Sirdoonka Qaranka  

         6,943,665,380

             8,618,624,100

        1,674,958,720

8D

 Jimciyadda Muj.Sooyaal 

            800,000,000

             1,190,000,000

           390,000,000

9

 W.Arrimaha Dibada. 

       11,346,591,288

           13,977,637,688

        2,631,046,400

10

 Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka. 

         1,784,867,200

             3,034,337,760

        1,249,470,560

10A

 Ciidanka Asluubta. 

       30,494,594,452

           33,465,546,540

        2,970,952,088

10B

 Maxkamada Hoose. 

         8,490,853,800

           10,486,434,440

        1,995,580,640

10C

 Guddiga Xaquuqal Insaanka Qaranka. 

         1,540,450,400

             1,976,465,920

           436,015,520

10D

 Guddiga Dib u habaynta Shuruucda. 

            316,181,600

                853,137,920

           536,956,320

11

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 

       15,334,632,490

           17,420,363,164

        2,085,730,674

11A

 Ciidanka Booliska. 

       60,638,328,123

           68,255,495,000

        7,617,166,877

11B

 Ciidanka Ilaaladda Xeebaha. 

         6,275,409,153

             7,178,929,253

           903,520,100

11C

 Guddiga Baadhista Xasuuqa. 

            363,637,000

             1,256,755,520

           893,118,520

11D

 Laanta Socdaalka. 

         3,048,534,526

             3,289,778,046

           241,243,520

12

 W.Warfaafinta & Wacyigelinta & Dhaqanka . 

         8,170,279,600

           10,117,931,250

        1,947,651,650

12A

 Somaliland National T.V. 

       15,591,636,540

           15,668,744,272

              77,107,732

13

 W.Gaashandhiga. 

         1,692,133,110

             2,292,132,770

           599,999,660

13A

 Ciidanka Qaranka. 

     142,287,277,334

         160,616,708,214

      18,329,430,880

14

 W.Qorshaynta Qaranka & Horumarinta. 

         2,253,987,520

             3,142,374,240

           888,386,720

15

 Wasaaradda Maaliyadda. 

       41,241,486,400

           49,332,785,920

        8,091,299,520

15A

 Qasnada Guud ee Qaranka 

     133,432,002,385

         165,327,174,774

      31,895,172,389

16

 W/Ganacsiga Maalgashiga Caalamiga 

         3,160,429,641

             4,853,802,581

        1,693,372,940

17

 W.Macdanta & Tamarta. 

         2,907,432,616

             2,554,152,456

          (353,280,160)

18

 W/Kalluumaysiga iyo  Khayraadka Badda  

         2,199,128,102

             3,054,953,062

           855,824,960

19

 Wasaaradda Beeraha. 

         2,612,324,013

             3,950,376,813

        1,338,052,800

20

 Wasaarada Xanaanada Xoolaha 

         5,764,496,101

             6,103,620,101

           339,124,000

21

 W.Boostadda & Isgaadhsiinta. 

         4,401,810,280

             5,135,292,520

           733,482,240

22

 W.Waxbarashada & Tacliinta Sare. 

       50,413,533,338

           70,566,294,424

      20,152,761,086

22A

 Agaasinka Tacliinta sare 

         2,367,527,886

             3,019,436,960

           651,909,074

22B

 Gudiga Tacliinta Sare 

            590,810,400

                927,472,480

           336,662,080

23

 Wasaaradda Caafimaadka.  

       25,594,452,238

           36,425,317,838

      10,830,865,600

24

 W.Diinta & Awaafta. 

         2,217,810,400

             4,081,668,960

        1,863,858,560

25

 W.Hawlaha Guud,Gaadiidka& Guryanta 

         2,718,938,904

             4,146,659,224

        1,427,720,320

26

 Wasaaradda Duulista & Hawadda.  

         5,942,058,561

             5,683,104,401

          (258,954,160)

27

 Hay'adda Abaabul kasaarka Qaranka 

       34,243,194,356

           30,824,085,916

      (3,419,108,440)

28

 Hay'adda Miino-Saarka Qaranka. 

            456,055,930

                836,522,970

           380,467,040

29

 Wasarada Xidh Golayaasha  Cilm. Badhis iyo Tech. 

            672,387,424

             1,490,835,104

           818,447,680

30

 W. Shaqadda & Arrimaha Bulshadda. 

         2,271,533,218

             3,318,687,778

        1,047,154,560

31

 W/Ciyaaraha, Dhalinyaradda & Dalxiiska . 

         2,723,481,570

             5,864,483,090

        3,141,001,520

32

 Guddiga Doorshooyinka Qaranka. 

         1,606,628,158

             2,106,014,684

           499,386,526

33

 Guddiga Qandaraaska Qaranka. 

            940,271,791

             1,228,439,711

           288,167,920

34

 Hay'adda Deg.Cilmi.iyo diyargarowga dhibaatooyinka 

            576,715,032

             1,144,049,672

           567,334,640

35

 ICT. Commission. 

            362,546,400

                491,331,680

           128,785,280

36

Hay'adda Xidhiidhka Raashinka qaranka

            278,656,800

                759,773,600

           481,116,800

37

 Commission-ka Qurba Jooga.

            364,280,600

                453,032,320

              88,751,720

38

Hay'adda Dhawrista tayada

         1,075,903,200

             1,642,392,000

           566,488,800

39

Hay'ada Maamulwanaaga iyo La-dagaalanka Mus

         1,315,334,400

             1,900,668,800

           585,334,400

40

W/dib u dajinta 

         1,890,403,914

             2,145,838,474

           255,434,560

41

W/Deegaanka & Horumarinta Reermiyiga

         2,810,371,380

             5,214,515,860

        2,404,144,480

42

Gudiga Diwaangalinta Ururad 

         2,310,125,000

             2,242,125,000

            (68,000,000)

43

Wasaarada Wershadaha

         1,419,670,400

             3,240,570,080

        1,820,899,680

44

Wasaarada Biyaha

                               -  

             3,112,288,936

        3,112,288,936

 

Grand Total.

     750,000,000,000

         912,000,000,000

    162,000,000,000

 

 

 

     

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 



 




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com