Wednesday, December 25, 2013

Puntland: Mucaaridka iyo QM oo ku biiray dhinacyada ka Walaacsan Doorashada


Xiligii loo cayimay xulista Baarlamanka oo la soo dhaafay iyo arrimaha hoose ee murugsan oo afka laga dhowrayo




Garoowe(GNA)-Ergeyga  gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha isa soo taraya ee ku gedaaman Doorashooyinka la filayo inay 8 bisha Janaury ee sanadka 2014-ka ka dhacaan deegaamada Puntland.




Musharixiinta Mucaaridka ah eek u tartamaya Doorashadan, ayaa iyaguna walaac ka qaba mushkiladdaha amni iyo maamul ee ku xeeran doorashooyinkaasi, waxaanay ka dayrinayaan hab dhaqanka Maamulka Faroole oo ay ku tilmaameen mid fowdo iyo xasarad lagu kicinayo.




Warqoraala oo uu saaray Maanta oo Salaasa ah, ayuu Nickolas kay ku sheegay in tanaasul badan iyo dulqaad lagaga gudbi karo mushkilado badan oo soo baxaya doorashada ka hor.




“Wakhtigii doorashada Puntland wey soo dhowaadeen, siyaasaddaha halkaas ka jirana waa kuwo sii kululaaday, si xal loo helo waa in la helaa tanaasulaad badan” ayuu yiri danjire Kay.




Nickolas kay ayaa tilmaamay xaqa Musharixiintu u leeyihiin tartan xor ah‘'Musharaxiintu waa inay xoriyad u helaan soc-socodka, qabsashada shirar iyo weliba in la sugo amaankooda, waana in si siman warbaahinta looga hadli karo, cid gaar ahna aysan keligeed ku takri falin'' ayuu Kay yiri.




ergayga ayaa musharaxiinta ugu baaqay inay la shaqeeyaan taliyaha ciidammada Puntland, Jen. Siciid Dheere oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee loo xilsaaray sugida amaanka doorashooyinka.




Nickolas, ayaa hore u sheegay inuu xafiiskiisu si dhaw ula soconayo doorashada Puntland.




Doorashada Madaxtinimada ee Puntland ayaa loo qoondeeyay 8 bisha janaanyo ee sanadka cusub,waxaase jira walaac laga muujinayo inay qabsoomi doonto.




Musharixiinta ku tartamaya ayaa xukuumadda faroole ku eedeynaya inay weeraro ka dhan musharixiinta u isticmaalayso ciidamada amaanka iyo Daraawiishta.




Musharixii labaad ayaa xalay ciidamo ka tirsan daraawiishtu weerareen guriga uu ka degenyahay magaalada Garoowe, kaasoo ay ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidamo ka tirsan milateriga badda iska horimaad dhex maray.




Musharax Cali Warsame Shirre, ayaa sheegay inay talaabooyinkani calaamad u yihiin qul-qulato maamulku ka abuurayo Gobolka.




Sekow Doorashada Madaxweynaha, waxa muddo dhaafay xiligii loo cayimay xulista Baarlamanka dawladda, waxaana la kala diray Golihii hore.




Golaha baarlamanka oo la doonayo inay iyagu doortaan Madaxweynaha ayaan ilaa hada la soo xulin, taasoo ku talo galku ahaa in horaantii bishan la dhamaystiro.




Xulista xubnaha baarlamanka ayaa ah gacan uur ku jirta, waxaana muuqda astaama muujinaya inaanay Goboladda qaarkood looga diyaar ahayn doorashada mudaneyaal cusub oo u metela, sida Gobollada Sool iyo Buuhoodle.




Tan ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala Doorashada, waxaana hadii ay Isimadda Goboladdani ku adkeystaan diidmada ansixinta xubnaha u taagan Baarlamanku khasbaysaa in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.




Daneeyayaasha Caalamiga ah oo ay qaramada Midoobay ka mid tahay ayaad moodaa inay arimaha hoose ee murugsan ka hadalkooda carabka ka dhawrayaan, balse ay si cad ula socdaan jiritaankooda.




Dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Taleex iyo tabashooyin hore oo isbiirsaday ayaa sal dhig u ah waxyaabaha keenay in Bulshada goboladda qaarkood go’aan ka gaadhaan ka sii mid noqoshada Maamulka Puntland.




Laakiinse arrimahan oo dhami waa kuwo xal laga gaadhi karo hadii Madaxweyne Faroole iyo xukuumaddiisu debecsanaan iyo waji cusub kula hadlaan dhamaan dadka reer Puntland.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobaniminonews.com