24.12.2013 Helsink(GNA) -Talaal cusub oo loo helay cudurka malaariyadda,cudurka malaariyadda yaa ah mid dilaa ah oo qiyaastii in ka baden 600 boqol oo kun oo qof ku dila oo caruur u baden wadamadda saboolka ah ee dunidda sadexaad.
Khuburo ku xeel dheer baadhitaanadda cuduradda noocyadoodda kala duwan yaa kasoo saaray natiijadii u dambaysay mar ay tijaabooyin ku sameeyeen 11 xarumo cilmi baadhiseed oo ku kala yaal dalal afrika ah sida wadamadda:
Burkina Fao, Kenya, Gabon, Ghana, Malawi, Mozambique iyo Tanzania. Talaalkan (RTS,S) yaa ah mid hoos u dhigay boqolkiiba 25% halista uu keeno cudurka malaariyadda ee ka dhasha qaniinyadda kaneecadda.
Shirkad xagga daawooyinka ah oo British ah (GSK) Glaxo Smith Kline´s barnaamijkan yya ah mid loogu magacdaray malaariyada MVI Malaria Vaccine Intiative PATH.
Talaalkan cusub yaa ah mid suuqyadda aduunka so gaadhidoona horaanta sanada 2015 hadii allaha awooda leh raali ka noqdo.
Www.gobanimonews.com