" Wasiirro ah durbaano iyo Ubax london lagu qaabilayo xil UK dib u cusboonaysiisay digniintii amniga Somalia Somaliland+ Sawirro
London(GNA)Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa maanta oo Khamiis ah gaadhay Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska.
Cali Waran-cadde ayaa Isniintii todobaadkan ka dhoofay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, isagoo dhuumasho ku jirto ama qarsoodiya ugu baxay Addis-ababa.
Waxa uu qayb ka yahay Wefti wasiirro oo ka socda xukuumadda somaliland oo uu ugu tegay dalka Ingiriiska, kuwaasoo uu ka mid yahay arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.
Sababta uu addis-ababa ugu sugnaa tan iyo markii uu Hargeysa ka dhoofay ayaa loo aanaynayaa arrimo dhanka Fiisaha ah, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.
Waxa Dalka Uk kaga sii horeeyay Wasiirada Arimaha Dibada iyo Wasiirka Macdanta oo muddo dhawr maalmood ah halkaasi ku sugnaa.
Ma cadda ujeedada rasmiga ah ee weftigan Ingiriiska u tageen, balse sida laga war qabo dawladda Ingiriisku waxay ka mid tahay Dawladda dhinacyada amaanka, adeegyada Bulshada iyo doorashooyinka ka taageera somaliland.
Sida lagu waramayo dad weyne aad u tiro badan ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Diyaaradaha ee HEATHROU AIRPORT.
Waxaana dadka soo dhaweeyay ka mid ah Safiirka Somaliland ee dalkaasi Ingiriiska iyo Qurbajoog aad u tiro badan kuwaasoo dhamaan ku labisnaa astaanta Qaranka Somaliland.
Waa safarkii ugu horeeyay ee Cali waran cadde ku tago dalka Ingiriiska, tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaanu ku soo beegmayaa xili dalka ay ka taaganyihiin dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo xukuumaddu durbaano Xasaradeysan u garaacayso.
Dawladda Ingiriiska ayaa 27 Bishii November cusboonaysiisay Digniin ka dhan ah amniga dalka oo ay mawaadiniinteeda uga digay inay u safraan Somaliland.
“Kooxaha xagjirka ah ayaa qorsheynaya weeraro ay ku qaadaan danaha reer galbeedka ee somaliland” ayaa lagu yidhi qoraal 27 Bishii la soo dhaafay ee November lagu daabacay Bogga wasaaradda arrimaha dibada ee Ingiriiska.
Digniintaasi ayaa noqonaysa tii labaad ee dawladda Britain ka bixiso amaanka waddankan somaliland oo 22 sanadood beesha caalamku ku majeeran jirtay amniga iyo xasiloonada ka hana qaaday, balse intii xukuuamdda Siilaanyo talada haysa khilaafaad badan oo gudaha ahi soo noqnoqonayeen.
Waa hawl u taala oo uu bedelkiisii xilka looga qaaday ee Maxamed Nuur Caraale Duur muddo dheer ku jahawareersanaa sidii uu meesha uga saari lahaa, ilaa markii dambe uu sheegay in la xadiday digniintaasi.
Waxaana xusid mudan in Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee Genel energy bishii September oo uu Wasiir Waran cadde daakhiliga joogay ay dalka uga baxday xaalado amaan daro oo ka dhashay Khilaaf bulshooyinka Dalka ka dhex qarxay.
Shirkadda ayaa dhawaan sheegtay inay dib ugu soo laabanayso dalka, isla markaana hawlihii sahaminta Shidaalka dib u bilaabayso, waxaanay xukuumadda Somaliland ka dalbatay inay suurto geliso deegaan nabdoon iyo inay damaanad qaado nabad-gelyada goobaha hawsha laga fulinayo.
Taas ayaa u muuqata in wada xaajoodkeedu la sii fogaaday xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isla markaana halkaasi wada hadal dambe iyo xog isdhaafsi dheeraad ah lagu yeelanayo.
Laakiinse sida ay ku talinayaan dadka arrimaha diblomaasiyada aqoonta u leh wasiirradan ayaa laga sugayaa inay xukuumadda David Camaroon kala hadlaan dareenada amni daro ee ay somaliland ka muujinayaan.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com