Wakiilka Qaramada Midoobay oo cambaareeyay wararkii Boosaaso"
Muqdisho (GNA) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickals Kay, ayaa cambaareeyay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday kolonyo gaadiidka ciidamada Puntland ah oo marayey badhtamaha Magaalada Boosaaso.
Qaraxan, oo ay ku dhinteen 8 qof isla-markaana ku dhaawacmeen ilaa 30 qof oo ay ku jiraan 3 askarta badda ee Puntland iyo weliba dad rayid ah, ayaa loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey.
Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr Nickals Kay, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo aan ujeedo lahayn.
“Falalka caynkan ah ee fulaynimada ahi waa kuwo bilaa ujeedo ah” ayuu yidhi Nicholas Kay, Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Mr Kay, waxa uu taageero u muujiyey shacabka reer Puntland, waxaanu yidhi “Waxaanu garab taagannahay dadka reer Puntland si ay u xaqiijiyaan helitaanka deggenaansho iyo horumar"”ayuu yidhi.