Hargeysa (GNA) – Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista iyo xumaan Joojinta Somaliland, Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, ayaa 17 qoys oo isugu jira agoon iyo naafo gaadhsiiyay deeq lacag ah oo jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Denmark ku soo hagaajiyeen.
Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista iyo xumaan Joojinta Somaliland, Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, ayaa maanta qoysaskaasi u qaybiyey $ 1700 doolar, oo ay ku soo hagaajiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Denmark.
Dadka deeqda lacagta ah loo qaybiyey oo ku dhaqan degmada 26-ka June ee Magaalada Hargeysa, ayaa markii deeqdaasi la gaadhsiiyay waxa ka hadlay muhiimada deeqdani u leedahay dadka danyarta ah Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, waxaanu yidhi “Waxaanu guddoonsiiyay dadkan $ 1700 doolar oo ay soo direen jimciyad haween ah oo deggan dalka Denmark oo la baxay Magaca Hoodaale, waxayna soo Magacaabeen in lacagta loo geeyo dadka goobtan aynu joogno (Xaafadda Xawaadle ee Hargeysa), sidii ay iyagu yidhaahdeen ayaanu yeelnay oo dadkaa akhyaarta ah ee aadka u jilicsan ee badhkood agoonta yihiin, badhkooda naafada yihiin ayaanu guddoonsiinay”
Mid ka mid ah dadkii deeqdan loo qaybiyey oo halkaasi ka hadashay ayaa u mahad celisay haweenka soo diray lacagtaasi, waxayna tidhi “Waxaanu u rejaynaynaa walaalahayaga khayrka ka shaqeeyay ee dadkayagaa danyarta iyo agoomaha wax siisay in ILAAHAY maalkooda u barakeeyo, in ILAAHAY caafimaad siiyo kuwooda buka, waxaanu u rejaynaynaa in Alle abaal-marin uga dhigo janada”
Qof ka mid ah dadka naafada ah ee deeqdaasi la gaadhsiiyay ayaa isaguna yidhi “Waxaan u mahadcelinaynaa ururka Hoodaale, ILAAHAYNA waxaan uga baryayaa in halkii ay ka soo saareen wax khayr leh ugu bedalo”
Gobanimonews.com
Hargeysa-Office