Monday, December 2, 2013

War deg-deg ah: Xukuumadda raysal-wasaare Saacid oo cod loo qaaday


Muqdisho(GNA)-Doodda Mooshinka Xukuumadda lagu ridayo ayaa la soo gabagabeeyay.




Mudaneyaasha ayaa wax yar ka hor la tiriyay, inta mudane ee fadhida fadhiga Maanta.




Coddeynta Xukuumadda Kalsoonida loogu qaadayo ayaa goor dhaweyd la guddo galay.




In ka badan 224 mudane ayaa ka soo xaadiray fadhiga.




Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka ayaa Hawl-wadeenada ka codsaday inay si caddaalad ah u tiriyaan codeynta Xildhibaanada.
Codeynta ayaa goor dhaweyd si rasmiya loo guddo galay.




Waxa socota tirinta Coddeynta Xildhibaanada taasoo hadhow lagu dhawaaqi doono, sida wariyaha Gobanimo ee goobta ku sugani waramayo.




Rejada xukuumadda Reysal-wasaare saacid ayaa ku xidhan dhawrka daqiiqadood ee soo socda.




Waxa loo badaniyaa inay daaqada ka bixi doonto Xukuumadda Saacid sanad iyo bil ay dalka ka talinaysay ka dib.




Kala soco wixii war ka soo kordha Gobanimonews