Muqdisho(GNA)-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in aanay dib u dhac ku keeni doonin howlaha garsoorka dalka ugaarsiga lagu haayo Mas'uuliyiinta Hey'adaha garsoorka.
Ceydiid Ilka-xanaf ayaa hadalkan ka sheegay kadib kulan uu la qaatay Gudiga Adeega Garsoorka oo uu kala hadlayay xaalada amnigooda.
"Ugaarsiga lagu hayo mas'uuliyiinta hey'adaha garsoorka ma hakin doonto howsha garsoorka iyo cadaalada aan u heyno shacabka"ayuu yiri Ceydiid Ilka-xanaf.
Labo cisho ka hor ayaa waxaa degmada Yaaqshiid lagu dilay Garsoorihii Maxkamada degmadaas oo lagu magacaabi jiray Sheekh Axmed
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in isku dayada kooxaha nabad diidka ku doonayaan inaanay shacbigu helin wax cadaalad iyo garsoor dhab ah.
Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka C/qaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in xilligan ay dayacan yihiin Bahda Garsoorka Somalia.
Labadii bilood ee ka soo dhaafay ayaa waxaa la dilay Ilaa Labo Garsoore Maxkamadeed oo ka shaqeynayay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.
Bishii April ee sanadkan ayay aheyd markii weerar ismiidaamin iyo mid toos ay ku qaaday Al-Shabaab Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir oo ay ku howl galaan Maxkamadaha kala duwan ee dalka, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad labaatameeyo ruux oo dad rayid ahi ku jiraan.
Garsoorka ayaa weerarada lagu hayo Hay’adaha Dawliga ah kala siman kuwa kale, waxaana u dheer dhacdooyinka kale ee aar-goosiga loo nisbeyn karo.
Dhawaan ayay ahayd markii doodad amaanka Garsoorka iyo Hawl-qabadkooda amaan iyo dhaliilba laga soo jeediyay.
Balse Garsoorka ayaa ah udub dhexaadka nidaamka Dawladnimada, kaasoo la’aantii aanay midho dhal noqonayn geedi socodka Nidaamka Dawliga ah.
Somaliya ayaa 22 sanadood in ka badan ku soo jirtay xaalad qalafsan oo aanay Hay’addaha Garsoorku wax shaqo ah qaban Karin.
Xiligan ayaa waxa muuqata saan saan muujinaysa in dalku soo hagaagayo.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com