Muqdisho(GNA)-184 Xildhibaan ayaa u codeeyay in Xukuumadda Reysal wasaare Saacid ee dalka Somaliya la rido.
64 Xildhibaan ayaa diiday oo ka soo horjeestay Ridista Xukuumadda, sida uu ku waramay Wariyaha Gobanimonews ee ku sugan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid ka aamustay, Guddoomiyuhuna muu codeyn,sidaa ayaana lagu riday Xukuumadda Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo muddo laba todobaad ah Golaha Baarlamanku ka baaraan degayay waxa laga yeelayo Mooshin laga soo gudbiyay dabayaaqadii bishii hore
248 Xildhibaan ayaa ka soo xaadiray Fadhiga golaha, kuwaasoo u badnaa garabka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Reysal-wasaare Cabdi Faarax shirdoon ayaa saaka warbaahinta ka sheegay inuu go’aan kasta oo ka soo baxa Baarlamanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah la tiigsanayo si uu ugu qanco inuu sharci yahay iyo in kale.
Waa Raysal wasaarihii Shanaad ee xilka laga tuuro tan iyo xukuumaddii lagu soo dhisay Empegati sanadkii 2004-tii.
Maaha wax ku cusub isbedel xukuumaddeed oo dalka somaliya ka dhaca tan iyo markii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Milateriga ahayd.
Hase ahaatee hada waxa lays waydiinayaa cidda bedeli doonta Xukuuamdda Saacid ee talada laga xayuubiyay.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo muddo laba bilood ah ku goodinayay in la casilo saacid iyo Xukuumadiisa ayaa laga sugayaa inuu sida ugu dhakhsaha badan u soo magacaabo raysal-wasaare cusub.
Taas ayaa ah dariiqa lagu sii waddi karo nidaamka dawlanimo ee dalka.
Ma jiro wax war ah oo wali ka soo baxay dhinacyada Madaxweynaha iyo raysal-wasaare Saacid shirdoon.
Halkan ka Daawo sidii Codeyntu u dhacday:
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com
Kala soco wixii war ka soo kordha…