Burco(GNA)-Taliye Axmed Ilka case ayaa maanta xilka laga tiriyay.
Taliye ku-xigeenka bilayska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha Ciidanka RRU-da ayaa goob-joog ka ahaa xilka tirinta Taliyaha.
Tani waxay maalin ka dambeysay mudaharaadyo khasaare dhaliyay oo ka dhashay xil ka qaadistiisa.
Amaanka taliska qaybta Bilayska Togdheer oo xilka lagaga wareejiyay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la dareemayay in awood iyo khasab loo isticmaalay hawshan.
Taliye Ilkacase ayaa muddo sanad ku dhadhow xilka Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka hayay.
Dadka reer burco ayaa si weyn u soo dhaweeyay shaqo wanaagiisa, sida ay dadka aqoonta u leh iyo waxgaradka Gobolku ku doodayaan.
Dhinaca kale, waxa Magaalada Burco ka socda hawl-galo la doonayo in lagu soo qabto dad Masuuliyiin ah oo lagu tuhunsanyahay inay qayb ka ahaayeen abaabulka dadkii shalay mudaharaaday.
Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhawr masuul looga yeedhay xarumaha nabad-gelyada, kuwaasoo uu ka mid yahay
badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer.
Warbaahinta ayaa qaarkood sheegeen in dadka la raadinayo ay ka mid yihiin Maayir ku-xigeenka Degmada Burco iyo xubno xildhibaano ah.
Dhinaca kale, Asxaabta Mucaaridka ah iyo Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka ayaa cambaareeyay fowdada ka dhacday Magaalada Burco.
Waxay xukuumadda ugu baaqeen inay xaalada dejiso, isla markaana dhakhso loo soo afjaro xiisada taagan.
Halkan ka Daawo Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay shaqaaqada Burco:
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com