Tuesday, December 24, 2013

Somaliland: Xukuumadda oo si cad ugu kala qaybsantay Shirka Doodda Qaran


Wasiir Cukuse: waanu soo dhaweynaaa Shirka Doodda Qaran”




Afhayeen Dhuxul: wax shir Dood qaran la yidhaahdaa dalka kama dhacayaan”




cukuse-iyo-dhuxulWasiirka Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdilaahi  Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inay xukuumaddu soo dhaweynayso shirka talada qaran ee ay Asxaabta siyaasaddu ku heshiyeen.




Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xisbiyadda iyo dad waxgaradka ahi ka wada hadlaan arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo Doorashooyinka.




“waxaan halkan ka cadeynayaa inay xukuumaddu soo dhaweynayso hawshaa ay Golaha Guurtidu wadeen ee xis biyadda iyo akaadamiyadu ku heshiiyeen”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.




Hadalkiisa ayaa dhabar jabin ku noqonaya mawqifka Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland arrintan ka istaagay Sabtidii todobaadka.




“Xisbiyaddu way ka shiri karaan arrimaha Doorashooyinka, laakiinse wax shir qaran la yidhaahdo oo dalka ka dhacayaa ma jiro”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada sabtidii ina dhaaftay.




Hase ahaatee Wasiirka Warfaafinta, ahna afhayeenka Rasmiga ah ee xukuumadda, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa si cad u sheegay inaan wax u diidayaa jirin xisbiyadda inay ka shiraan arrimaha Qarannimada dalka ku saabsan “anigu ku noqon maayo taariikh ahaan hawshaasi wixii ay soo martay, laakiinse waxaanu soo dhaweynaynaa oo aanu sax u aragnaa in xisbiyaddu ka wada hadlaan oo laga shiro arrimaha Qaranka haday tahay doorashooyinka, nabad-gelyada, siyaasadda iyo wax kasta oo qaranka dantiisa ku saabsna”ayuu yidhi.




Hadalada iska soo horjeedda eek a soo baxaya Xukuumada ayaa sii cakiraya jahawareer bulshadu hore uga qaaday hadal is burinaya oo ka soo yeedhay Madaxtooyada, maalin ka dib markii war lagu diirsaday laga soo wariyay kulan madaxweynaha iyo labada Guddoomiye Baarlamaan dhex maray.




Laakiinse isburinta Mawqifyada Cukuse iyo Dhuxul waxay daaha ka rogaysaa wada socod la’aan xukuumadda iyo labac labacleyn siyaasadeed oo ka muuqata, taasoo faashilaysa siyaasadda hogaamiyaha waddanka oo aan wali jawaab cad ka bixin waxyaabaha dalka ka dhacaya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com