Tuesday, December 10, 2013

Sweden: Culimo badan oo la guddoonsiiyay Biladda Nobel-ka


Stokholm (GNA) Munaasibad lagu bixinayay Biladaha Nobel-ka dalka Sweden ayaa ka qabsoontay  aqalka Konserthuset.




Abaalmarinahaas billadaha waxa la kala siiyey culumo ku kala muteystey qaybo culuunta ka mid ah oo ay natiijo horumar ka sameeyeen, sida fiisikis, kimisteri, midisiin, suugaan iyo billadda uu bangiga qaranku ku bixiyo dhaqaalaha ee lagu maamuusayo xusuusta Alfred Nobel.




Xafladan ayaa intii ay socotay waxa isku daayay inuu orod ku galo nin qaawan oo ka cadheysan xadhiga Ninkii sanadkii 2010-kii ku guulaystay Bilada Nabadda, laakiinse  ciidanka boliiska ayaa joojiyey ninkaas oo goobta ka kaxeeyey.




Warar ay laamaha  saxaafaddu soo xigteen ayaa sheegay in uu ninkaasi doonayey in uu dareenka u jeediyo guushii uu sannadkii 2010 ugu guuleystey billadda nabadda ninka lagu magacaabo Liu Xiaobo oo weli xabsi ugu jira dalka Shiinaha.