"In ka badan boqol Hogaamiye oo adduunka ka socda ayaa ka soo qayb-galay gabagebada xuska Mandela"
Johanesberg(GNA)-Madaxweyneyaal badan ayaa gaadhay waddanka Koonfur afrika si uga qayb galaan tacsida geerida Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela oo jimcihii hore dhintay.
Nelson Mandela ayaa sumcad weyn iyo magac ku lahaa adduunka, waxaanu ahaa hogaamiyihii la dagaalanka Midab takoorka Koonfur afrika, taasoo uu muddo 27 sanadood ka badan ugu xidhnaa xabsi dalkaasi ku yaala.
Xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha adduunka ugu miisaanka culus oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Omaba, ayaa gaadhay Maanta magaalada Johanesberg, halkaasoo munaasibad baroor diiq Caalamiya loogu samaynayo Garoonka Kubadda Cagta ee Magaaladaasi.
Ilaa boqol hogaamiye oo Adduunka ka kala socda ayaa ku soo biiray Kumanaan kun oo ruux oo ka qeybgalay xuska loo samaynayayo Nelson Mandela oo la soo gabagabeeyay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon ayaa isaguna ka qayb galay xafladan, waxaanu sheegay in Mandela laga dhaxli doono taariikh iyo tafiir aqooneed.
Madaxweynayaasha Maraykanka, Faransiiska iyo Kuba ayaa ka mid ah xubnaha ka qeybgalay, kuwaasoo qaarkood siyaasadda Caalamka aad ugu kala fogyihiin, balse dareen ahaan dadka reer Afrika la qaysaday murugada Geerida hogaamiyihiin dib u heshiisiinta Dalkooda.
Munaasibadda ayaa maanta intii ay socotay, waxa la arkay Madaxweyneyaasha Maraykanka Brack Obama iyo Kubba oo isku salaamay member-ka madaxda Caalamku fadhido.
Rual Castro, ayaa salaamay Madaxweyne Obama markii uu soo galay xaflada, waxaanu noqda hogaamiyihii koowaad ee Maraykan ah ee gacan qaada mid ka mid ah Madaxweyneyaasha Siyaasadda Maraykanka ka soo horjeeda.
Saxaafadda ayaa arrintan aad u hadal haysa, waxaanay dalka maraykanka iyo duwalka reer Galbeedkaba u tahay turjumaad siyaabo kala duwan loo duduwayo.
Dhamaan hogaamiyeyaasha Adduunka ee munaasibadda Baroordiiqda ah ka qayb galay ayaa ka waramay taariikhda iyo astaanta Nelson Mandela, waxaanay dhamaantood sheegeen inuu ahaa shakhsiyad qiimo leh oo adduunka xusuus iyo taariikh wanaagsan kaga tegay.
Waxa la filayaa in Mandela lagu aaso 15-ka bishan December, Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka
Mandela ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee madow ahaa ee dalka Koonfur Afrika, waxaanu ku guulaystay Biladda Nabadda adduunka ee Nopel Peace Price, isagoo wakhtiyadii dambe ka qayb qaatay xalinta xasarado badan oo dunida ka dhacay.
Waxa uu ahaa hogaamiye macalin u noqday Madaxweyneyaasha Afrika, isla markaana meesha ka saaray dhaqankii keli talisnimada ee looga bartay afrika, ka dib markii 27 sanadood oo uu xabsi ku jiray ka dib noqday Madaxweyne markii uu wakhtigu ka dhamaaday xilka tiriyay.
Intii uu dalkiisa hogaaminayay wuxuu jeexay waddo dib u heshiisiin iyo iscafin ah, taasoo koonfur afrika u horseeday nabad-gelyo iyo horumar muuqda oo ilaa ay ku naaloonayaan.
Gobanimonews
Hoos ka Daawo Sawiiro badan oo mucjiso ah: