Tuesday, December 10, 2013

Puntland:Faroole oo sheegay inuu khaladdaadka Dawladdiisa sixi doono


Wuxuu sheegay in Dawladdiisu dhamaystiri doonto wixii ka dhiman balanqaadyadii uu sameeyay sanado ka hor”




Garowe(GNA):- Madexweynaha dawlada Puntland  C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.




Madexweynaha iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay gagida diyaaradaha ee magaalada Garowe halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubnaha golayaasha dawlada oo uu hogaaminayay Madexweyne ku xigeenka Puntland, Saraakiisha iyo Ciidmada dawlada,Fanaaniinta Puntland iyo kumnanaan dadweyne ah oo ku labisan dress lagu xardhay calada Puntland, Soomaaliya iyo Calaamada Nabada.




Madexweyne Faroole oo soo dhaweynta ka dib hadlay  ayaa sheegay in dawladiisu ay dhamaystiri doonto, waxyaabihii ka dhinaa balanqaadkii dawladiisa ka hor intii aan xilkan loo dooran, wixii ka halaabayna ay sixi doonto, wuxuuna carabaabay in waxyaabo badan oo dawladiisu ay ku hanweayneyd in aysan u suurtagalin sababo badan oo ay qayb ka ahayd ishortaagii bulshada qaybo ka mid ah.




Madexweyne faroole wuxuu carabaabay in hadii xilkan loo doorto uu ka dhabayn doono waxqabadyadii ay dawladiisu balanq aaday islamarkaana ay horumarin doonto waxqabadka balaaran ee hada ay muujisay.




Dhinaca kale Madexweyne Faroole wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii wafdigiisu ay kala kulmeen wadanka Ethiopia ee ay booqashada ku tageen, wuxuuna sheegay in wafdiga puntland uu qayb ka ahaa 15,000 oo qof oo dawlad deegaanka Soomaaliada ee Ethiopia ay casuumtay kuwaas oo ka qayb qaadanayay xuska dhaqamada qawmiyadaha Ethiopia kana kala yimid wadanka Ethiopia iyo daafaha Caalamka kale.




Amniga magaalada Garowe ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana hareeraha wadooyinka iyo goobaha bulshada badani ay isugu timaado gaaf wareegayay Ciidamo aad u farabadan oo Amniga  sugayay.




Faroole ayaa ka mid ah Xubnaha u tartamaya doorashada qabsoomideeda mugdigu ku jiro ee puntland looga diyaar garoobayo.




Dhamaadkii bishan ayaa la sheegay in dawladda Itoobiya ugu yeedhay arrimo la xidhiidha dagaalkii ka dhacay deegaamada taleex ee Gobolka Sool,kaasoo ay ciidamadiisu dhibaatooyin ugu geysteen dad rayid ah.




Gobanimonews




Garoowe Office