Tuesday, December 3, 2013

Suldaan Xiiray: dood qaran waxa qaban kara Madaxweynaha".


Hargeysa(Gobanimonews 3-12-2013)  Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed  Xiiray ayaa ka hadlay Shirka Dood qaran ee Axsaabta Xisbiyada Mucaaridku sheegeen inay dalka ku qabandoonaan oo uu Suldaan Xiiray sheegay in aanay jirin cid arinkaasi u Distoorku siiyay oon ka ahayn Madaxweynaha Somaliland oo isagu xaq u leh arintaasi.




Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo sidan ku sheegay  Waraysi uu siiyay Shebekeda Togaherer ayaa sheegay in Shirka qaran ama dood qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani ku dhawaaqeen uu Madaxweynaha oo kaliya Distoorka Qaranka Somaliland xaq u siiyay in uu qabto marka ay jiraan xaalado,waxana uu sido kale Suldaan Xiiray sheegay in ay ka shirayaan Beesha Isaxaaq oo ay qorshaynayaan lacag tabarucaad ah oo ay ugu deeqaan wadada isku xidha Hargeysa  iyo Salaxlley.




Afhayeenka Sulaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed  Xiiray  oo arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi“Horta dhibaato inama hayso oo Somaliland dalkeenu waa nabadgelyo oo Sunaamigii yimid ilaahayna wuu inaga nabadgeliyay cid kasta oo uu gaadhayna waan ka tacsiyaynayaa waxana aanu Ilaahay ugu mahadnaqayna in nabadgelyadeena uu inoo dhawray dhibaatadaasna ina soo gaadhsiinin”




Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiiray) oo ka hadlayay Shirka talo qaran waxa uu yidhi“Xaga arinka Shir qaran aniga aragtida aanka qabo ka suldaan ahaan waxa ay ila tahay Somaliland guud ahaan waa nabadgelyo oo wax yar yari way iska dhac dhacayaan oo qof iyo laba way isdil dilayaan oo qof waa dhimanayaa, laakiin guud ahaan dalkeenu waa nabadgelyo ALLE-na waxa aan inooga baryayaa inuu nabadgelyada inoogu wada,laakiin hadii ay dood qaran dhir qaran ama arin qaran kolka ay arintu dabada geliso waxa ay distooriyan sharcigu siiyay oo xaq u leh Madaxweynaha Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) taasna waxa aan leeyahay arinta Distoorka ha lagu kala baxo oo sharciga iyo Distoorka ha loo daayo iyado anigu Suldaan u ahay  Mucaarid iyo Muxaafid labadaba hadana waxa aan anigu qaba in uu arinta distooriyan uu xaq u leeyahay Madaxweynaha dalku”




Suldaan Yuusuf Xiiray oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Waxa aan ku amaanayaa degmada Salaxlley iyo bulshada deegaankaasi ee debedd iyo gudaba jooga iyo guddida waddada Cad iyo degmada Salaxlley ba isku xidha halka ay gaadhsiiyeen iyo intay qabteen aad ayaan ugu amaanayaa anaguna waa Waddo aanu wada leenahay waa Wado Somaliland wada leedahay oo waa Wado qaranku wada leeyahay waxna waanu ku darayna (Beesha Isaxaaq) taba rucaadka dhankayaga oo waananu keenayna hadii ALLE yidhaahdo waananu ka shirayna oo tan aanu habeenkii dhawayd ku dhawaaqnay ee Waddada Ceerigaabo ee ahayd $100,000 Dolar ( Boqolka Kun  dolar ) iyo Kun iyo Labada Boqol ee neef ee adhiga ahna waxa weeyaan wado Imika socota balse Wado aliyaala wadadii kasta ee imika socotana raali ayaanu ka nahay”




Afhayeenka Sulaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed  Xiiray waxa uu intaasi raaciyay “Umadda ku dhimatay magaaladda Taleex marka hore waan tacsiyaynayaa sida aynu og nahayna dadka halkaas ku nooli waa umadd walaalaheen ah oo reer Somaliland ah,kolka waxa aan canbaaraynayaa oon toos u canbaaraynaa Maamulka Faroole oo ku soo duulay umadda reer Somaliland gaar ahaan reer Taleex waxana aan leeyahay ninkaas iyo maamulkiisa in uu ka waantooba oo faraha kala baxo umadda walaalaha ah ee uu dabka ka dhex hurinaayo taas ayaan u soo jeedinayaa in uu arintaas faraha kala baxo ,waxana aan umadda halkaasi ku nool ee laysku diraayo ay firo gaar ah u yeeshaan dabka laga dhex wado waa inay taas iska ilaaliyaan oo nabadooda iyo wada noolaashahooda ilaashadaan taas ayay ku liibaanayaan oo wanaagoodu ku jiraaye”




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa




Head Office




Somaliland