Tuesday, December 3, 2013

Somaliland: Waran-cadde oo ka Baxsaday Qaylo dhaanta Saxaafadda iyo Dibad baxa Berri


Waxa loogu baaqayaa Bulshada Somaliland inay ka soo qayb-galaan dibad bax Selmiya oo beri ka dhacaya Hargeysa




Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa wali ka Jawaabi la’ go’aanka lagu sii daayay Eedeysane u xidhnaa Weerar bishii April goor saqdhexe ah lagu qaaday xarunta Wargeyska Madaxbanaan ee Hubaal.




Weerarkaasi ayaa lagu dhaawacay Maareeyaha Wargeyskaasi Maxamed Axmed Jaamac  (Caloolay), xubno kale oo shaqaalaha ka mid ahna waxyeelo loogu geystay.




Hawl-wadeenada wargeyska ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah laba Nin oo weerarkan fuliyay, kuwaasoo ahaa saraakiil Ciidanka Bilayska ka tirsan.




Eedeysanaha ay suxufiyiintu qabteen ayay isku qoys yihiin Saraakiil Madaxtooyada ka tirsan.




Muddo todoba bilood laga joogo hada ayaa ka soo wareegtay markii falkaasi dhacay,mana jiro ilaa hada wax natiijo ah oo ka soo baxay Hay’addaha Garsoorka oo arrintan la xidhiidha.




Balse todobaadkii la soo dhaafay dhamaadkiisii ayaa lagu war helay inay Maxkamadda Ciidamadu sii deysay Eedeynaha Kiiskaasi loo hayo, arrintaasi ayaa walaac iyo wel-wel hor leh u ku abuurtay Warbaahinta dalka.




Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal iyo xubno sharci yaqaano ah ayaa sabtidii Doraad si kulul u cambaareeyay arrintan, waxaanay dalbadeen in muddo 24 saacadood lagu soo xidho Sarkaalka la sii daayay.




Ciidamada amaanka Somaliland ayaa u muuqda inay dalabkaasi dhegaha ka furaysteen, isla markaana aan wax sharaxaad ah ka bixin sababta loo sii daayay Ninkaasi.




Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac, ayaa mar kale maanta Warbaahinta u sheegay inay maalinta Beri oo Salaasa ah sameynayaan Banaan bax ay kaga falcelinayaan go’aanka Maxkamadda Ciidanka.




Qoraalka uu soo saaray Maxamed Axmed Jaamac Caloolay ayaa u dhignaa sidan:-




“Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Waxa uu ku Wergilanayaa Dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo kala ah labada Xisbi mucaarad ee Qaranka UCID iyo WADANI, Xildhibaanada labada Gole Qaran, Wakiilada iyo Guurtida, Dhallinyarada ku hana qaaday Dimuqraadiyada iyo xoriyatul-qawlka Rag iyo Dumar, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, Gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee Gobolka Maroodi-Jeex, in maalinta Salaasada 03/12/2013 ay kalasoo qayb-galaan Mudaharaad Salmi ah oo Dareenkooda ay ku muujinayaan kulana Cabirayaan dhacdadii foosha xumayd ee Dilka Qorshaysan lagula beegsaday Hawl-wadeenadii Warbaahinta madaxa bannaan ee Hubaal Media Network, iyo sida sharci darrada ah ee Maxkamadda Ciidanka Qaranku ay u sii daysay Gacankudhiiglihii Hoggaaminayay weerarka Hubaal, kaas oo hawl-wadeenada Hubaal ay gacanta ku dhigeen habeenkii weerarka waxashnimada ah lagu soo qaaday oo ku beegnayd 24/04/2013, waxaanu mar labaad idinka codsanaynaa inaad usoo dadaashaan Bannaanbaxaa Salmiga ah ee lagu cabirayo dareenka dhacdooyinkaa foosha xun ee is-daba yaala, wakhtigana aad ilaalisaan, mahadsanidiin.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururrada Saxaafadda Somaliland gaar ahaan Ururka Solja oo arrintan si dhow ula socday, balse xubno sar sare oo ka mid ah hogaanka Ururkaasi ayaa Gobanimonews u sheegay inaanay war cad oo kiiskan ku saabsan xukuumadda ka haynin.




Saraakiisha ururka ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil intaasi ka badan bixiyaan, inkasta uu tibaaxay mid ka mid ah oo Gobanimo la hadlay “hawshaasi ma doonayno inaan ka horka dhacno, laakiinse wali waxa socda qorshe”ayuu yidhi.




Dhinaca kale,xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaaqa Madaxda Wargeyska Hubaal dhegaha ka furaystay, ilaa hadana aan wax talaabo ah qaadin, inkasta oo Wasaaradda warfaafintu isku mashquulsantahay maalmahan, kana dhex qarxay khilaaf maamul oo madaxda sare u dhexeeyaa.




Wasiir Warancadde oo Ingiriiska u dhoofay




Geesta kale wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo ah masuulka ugu sareeya Hay’addaha amaanka, arrintanina si gaar ah u khusayso, ayaa dalka dibada uga dhoofay xili kiiskani taaganyahay, isagoo aan wax jawaab ah bixin.




Cali Waran-cadde ayaa la sheegay inuu shalay u dhoofay dalka Ingiriiska halkaasoo ujeedada uu u tagay aan ilaa hada la cadeyn, isla markaana uu si dhuumasho ah ugu baxay.




Taas ayaa u muuqata inuu ka war wareegayo Cadaalad waafajinta falka amaanka dalka dhaawaca ku ahaa ee lagula kacay wargeyska.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inuu shalay si gabasho ku jirto uga dhoofay Madaarka Hargeysa.




Xidhiidho kala duwan oo Gobanimonews la sameysay Taliyaha Ciidanka Bilayska, Wasaaradda arrimaha gudaha, Ururadda Saxaafadda iyo Hay’adaha Garsoorka dalka ayaanay nooga soo bixin wax natiijo ah oo arrinta wargeyska Hubaal ku saabsan.




Taasoo daliil u noqonaysa manjaro habaabinta Kiiska foosha xun ee lagula kacay Hubaal oo ah mid xaqiiqiyan saameyn ku leh dhamaan Hay’adaha warbaahinta madaxbanaan.




Aragtida Bahda Gobanimonews ee Kiiskan ku saabsan




Maamulka Gobanimo News Agency dareen ahaan waxay arrintan kala simantahay bahweynta Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland.




Waxaanu u aragnaa tacadi iyo cadaalad daro loola badheedhay Wargeyska Hubaal iyo hawl-wadeenadiisa, taasoo hadii sida wax u socdaan wax iska bedeli waayaan cadeyn u ah gabood fal lagula kacay warbaahinta dalka.




Isku dayga Dil ee Hubaal lagu weeraray bishii April wuxuu noola muuqday, iminkana aanu u aragnaa weerar ka dhan Hay’adaha warbaahinta ee adeegayaasha u ah Bulshada somaliland.




Wuxuu albaabka u furay dhaqan cusub oo dheeftiisu abuuri karto xaalad amni daro, waayo? Warbaahintu qabiil maaha, qoys maaha, Ciidan dawladdeed maaha, waa hay’addo Dastuurka dalku damaanad qaaday xuquuqdooda, xaqna u leh inay dawladdu ilaaliso amaankooda.




Laakiinse cawaaqib xumada kiiskan ka muuqata ayaa ah raadka ku eedeysaneyaasha fulinta kiiskan ayaa galay madaxtooyada ugu saraysa dalka, taasina waa ayaan daro iyo aayo xumo loo baahanyahay in baadhis qoto dheer lagu sameeyo.




Ugu dambeyn waxaanu dareen ahaan  qabnaa inay Bulshada Somaliland dhiidhido talaabooyinka xukuumaddu ku cabudhinayso Saxaafadda, isla markaana mujtamaca caalamku kula xisaabtamo dawladda dalka ka jirta meel ka dhacyada iyo xad-gudubyada heerkan gaadhay ee warfidiyeenka loo geystay.




Illaahow Xaqa na waafaji .




Tafaftiraha Guud ee Gobanimo News Agency.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)