Jig-jiga(GNA)-Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Magaalada Jigjiga waxa muddooyinkan dambe ka socda diyaar Garowga Xuska 8 ee Qowmiyadaha Shucuubta Itoobiya.
waxaana 10ka Xafadood ee Magaalada aad looga dareemay xuskaasi,iyo sidoo kale Gobolada iyo degmooyinka Hoos taga Ismaamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar mid la mida laga dareemay .
Xuskan ma shir qoomiyadeedkka Itoobiya ayaa dhici doono. 29 bisha Hiidhaar 2006 waxaana Maalintaasi ay tahay Maalin Degaanka Soomaalida Itoobiya Xusuus Gaara u ah.
Magaalada Jigjiga ee Caasimada DDS Itoobiya ayaa Maamulka Soomaalida Itoobiya aad u horumariyay Bilicsamideeda iyo walliba adkeynta Amaankeedana u maamulku gacan weyn ka geystay.
Aqoonsiga joogitaanka jigjiga ee mustawaqaha waa kan ugu hadal heynta badan ee la isweydiinayo 3 galin,subax,galab iyo habeen,waxaana Reer jigjiga ay arintaasi ka sameynayaan taxadar Xoogaan iyadoo qof kasta marka uu gurigiisa ka soo baxo uu horay u soo qaadanayo Aqoonsigaasi.
ka qeybgalaaysha Munaasabadan kuwo hor dhac u ah ayaa ku sugan Jigjiga,halka la filayo maalmaha soo socda inay soo dhameystirmaan dhamaan 9 ka qowmiyadood ee Dalka Itoobiya kuwaasoo xuska 8 Guurada ku yeelan doona 29ka Hiidhaar 2006 oo maalmo koban ay ka hareen Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jig-jiga.
Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa daah furay wadooyin Casri ah oo laga yagleelay Gudaha Magaalada Jigjiga,sidoo akle dhawaan waxaa laga taagay Bartamaha Jigjiga Taalada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ah Halgamaa weyn oo dhulka Somalida laga yaqaano.
Bilicda iyo isbedelka ka muuqda Jig-jiga ayaa ka soo bilaamay xiligii isbedelka dawladnimada ee uu maamulka cusubi qabsaday, taasoo dhabaha u xaadhay higsi cusub iyo hanaan isbedel bulsho oo ku dhisan isfaham iyo wax wada qabsi.
Tani waa ta u suurto gelisay Jig-jiga inay marti geliso xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya.
Amaanka Gobolka ayaa bishii hore laga soo bilaabo aad loo adkeeyay, waxaana la xidhay inta badan xuduudaha Gobolku la leeyahay Somaliland iyo Somaliya.
dad badan oo somaliland uga safri lahaa dhanka Itoobiya ayaa laga soo celiyay Xuduudka maalmihii ugu dambeeyay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal ku sugan xuduudka labada dal ee wajaale iyo Saraakiisha amniga ee deegaankaasi.
sidoo kale dhinaca Itoobiya ma jirto cid ka iman kartaa, waxaana socodka lagu xadiday Jig-jiga oo lagu jiro diyaar garowga shirka qoomiyadaha Itoobiya oo ay ka soo qayb gelayaan sagaalka kilil ee Itoobiya.
Dadka qaar ayaa sheegay in heshiisku ahaa in la xadiido gaadiidka iyo dadka isu talaabaya, balse saraakiisha Socdaalka Somaliland waxay ku adkeysanayaan in qorshahan labada Maamul ee Hargeysa iyo Jig-jiga isla ogaayeen, isla markaana lagaga hortegayo inay cadowga Itoobiya xaga somaliland ka weeraraan ama uga gudbaan Itoobiya.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada shaqeeya arrimaha amaanka ee xuduudka u dhexeeya.