Monday, December 2, 2013

Somaliya waa Imisa Dal?by: Cabdilaahi Ibraahim


Waxaan waayadan ku wareeray waxa ay Soomaaliya tahay, Ma hal dalbaa mise dalal badan oo mid isku ah?. ka dib markii aan dhegeystay Siyaasiyiinta reer Soomaaliland iyo xitaa kuwa kale reer Koonfureedka ah oo marka ay hadlayaan ka dhigaya Soomaaliya sida dalal dhowr ah,waxaa iyagana wadadaasi maray Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.




 




Inkasta oo dalka Soomaaliya uu ka dhacay dagaal sokeeyo hadana waxaa uu Caalamku u aqoonsanaa dal ka mid ah dalalka Caalamka, Waxaana tusaale u ahaa sida uu Calanka Soomaaliya uu uga babanayey Maxaafisha dowliga ah.Hadda oo ay ka jirto dowlad rasmi ahna wali waxa loo aqoonsan yahay dal mid ah walibana xor ah.




 




Maadaama ay Soomaaliya ka tirsaneyd Ururo Caalami iyo kuwa Goboleedba marna ma banaanaanin Korsigeedii xitaa intii aan la dhisin dowladihii Ku-meelgaarka ahaa,Waxaa Iyadana xusid mudan in ay shaqeynayeen Safaaradihii ay ku lahayd Caalamka taas oo muujineysey in ay wali tahay dal xor ah oo jira.




 




Markii ay dhacday Dowladdii dhexe waxaa laga dhisay Wadanka Maamulo qaar sheegay in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale sida kan la magac baxay Soomaaliland kaas oo ilaa Maanta aan cidana aqoonsan,iyo kuwa kale sida kan Puntland,Galmudug,Jubaland iyo kuwa kale oo soo socda.




Maadaama uu Caalamku ku dhaqmo Xeerar iyo Qawaanin Caalami ah waxa ay aqoonsan yihiin in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay midda kaliya ee matasha Dalka iyo dadka Soomaaliyeed Waxaana tusaale u ah Shirarka Caalamiga ah ee ay ka qeyb gasho Iyadoo matalayso dalka Soomaaliya.




Waxaa tusaale labaad u ah in ay Iyadu ku fadhiso dhamaan kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd Ururdadi iyo Hay'adihii ay ka tirsaneyd sida Qaramada Midoobay,Midowga Africa,Jaamacadda Carabta,Ururka Islaamka iyo Ururka Goboleedka Igad.




 




Waxaa tusaale Sedexaad u ah in Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya ay Safaaradahooda ka furteen Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya sidoo kalena ah Xarunta ay degan tahay Dowladda Federaalka.




 




 




Dhamaan astaamihii aan soo sheegay waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay dal mid ah oo aan kala go'in hadana Xor ah,Xuduudyadeedii ay sidoodii yihiin ayna ka jirto hal dowlad ah,Waxa dowladdaasi ka soo harayna ay yihiin Maamulo ka jira gudaha Wadanka magac kastaaba hala baxaane.




 




Hadaba maxaan qoonsaday?




 




Sida aan soo sheegay maadaama uu Caalamku u aqoonsan yahay Soomaaliya dal mid ah,Dowladda Federaalkuna tahay midda kaliya ee matasho Dalka iyo Dadka Soomaaliyeeda.Hadaba ma xaqbaa in Dalka loola dhaqmo sida dal ay ka jirto Sedex dowladood ama Sedex Wadan.




 




Marka aad dhegeysato Siyaasiyiinta Soomaalida ama xitaa qaar ka mida Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga sida BBC-da iyo VOA-da waxaa aad maqleysaa Iyaga oo oronayo "Soomaaliland,Puntland iyo Soomaaliya" ama Soomaaliland iyo Soomaaliya" ama waxa ay mararka qaar hormarinayaan magaca Soomaaliland sida dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.!!




 




Soomaaliland Labaatan Sano oo ay jirtay wili Wadanna uma aqoonsan in ay tahay Wadan madax banaan bal waxaana dhinaca kale loo arkaa Maamul ka arimiyo gobolo ku yaallo Soomaaliya waana sababta ilaa Maanta aan cidna u ictiraafin, Umana malaynayo in ay helayaan wax ictiraaf ah xitaa haddii ay sii jirto 20 Sano oo kale.




 




Warbaahinta Caalamka ayaa ka garsoor fiican midda Soomaalida maxaa yeelay marka ay ka hadlayaan Soomaaliya uma dhigaan sida Sedex Wadan ama Sedex Dowladood,bal waxa ay sheegaan oo kaliya Magaca Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka,Waxa ka sooharayna waa ay u arkaan Maamulo local ah oo ka jira gudaha Wadanka maadaam aan in si Official ah loo sheegin in Wadankii Soomaaliya lagu kala tagay.




 




Waa in aan sidaan u dhignaa marka aan ka hadleyno Soomaaliya "Soomaaliya iyo Maamulka la magac baxay Soomaaliland ee sheegay inuu ka go'ay Soomaaliya ama Waxa ay wadahadalo u socdaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland. " Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo dhaliilay Dowladda Federaalka.




 




Ogaada haddii macaawino si toos ah laguu siiyey Adiga oo aan lagu soo marsiinin Dowladda Federaalka macnaheeda ma ahan in lagu aqoonsaday ama aad tahay dal madax banaan waana waxa ay ku sirmeen Madaxda Soomaaliland iyo Puntland oo isu haysta in ay yihiin Dowlado iyo Dalal ka madax banaan Dowladda Soomaaliya.




 




 




Gabab gabadii waxa aan leeyahay Dalkan kama jirto dhowr dowladood kamana koobmo dhowr dal oo mid isku ah sida dadka qaar u dhigayaan. Soomaaliland ma'ahan dal madax banaan ama dowlad la'aqoonsan yahay ee waa Maamul ka arimiya Gobolo ku yaallo Waqooyiga Soomaaliya,Ugu danbeyn waxa aan leeyahay bal aan ka warsugno wadahadalada u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Maamulka la magac baxay Soomaaliland.




 




 




Talooyin ku socda Warbaahinta ku hadasha Af-Soomaaliga.




 




1-In aad ilaalisaan Madax banaanida Wadanka Soomaliya si aan la idinkaga qaadin Sharciga aad ku shaqeysaneysaan.




 




2-In aad xulataan ereyada ku haboon warbixinta aad ka hadlaysaan lana timaadaan erey bixin fiican marka aad fasireysaan luuqadaha aan Soomaaliga ahayn.




 




3-In Wariyayaasha si fiican loo tababaro si looga fogaado khaladaadka dhacayo Maalin kasta.




 




4-In aad si fiican u fasirtaan ereyada khalaad (aan Soomaliga ahayn) ee ku jira Warbixinada aad soo gudbineysaan si ay u fahmaan dadweynaha idin dhegeysanayo.




 




5-In aad Mujtamaca ka ilaalisaan waxyaabaha diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aan fiicneyn ee Maalin kasta aan ku aragno Idaacadaha,Tv-yada iyo waliba Website-yada sida sawirada dumarka qaaqaawan..




 




 




Cabdullahi Ibrahim




Abdull2006@hotmail.com