Monday, December 2, 2013

Somaliland: Siyaasi isu sharaxay Madaxweyne ku-xigeenka Waddani


Shirweynaha 1-aad ee Xisbiga waddani oo lagu dhaliilay xukuumadda Siilaanyo+Sawiro




 







London(GNA)Xisbiga Waddani ayaa shirk u yeeshay  xarunta Royal Suite Banqueting Palace ee Magaalada Birmingham, kaasoo lagu sheegay shirweynaha 1aad ee xisbiga.




Shirkaasoo qabsoomay 30/11/2013, ayaa wax aka soo qayb galay xubno isugu jira  siyaasiyiin, Xildhibaano, suugaanley iyo dadwayne isaga kala yimi daafaha UK iyo Europe.




Xildhibaan Cabdiraxamaan Xoog ayaa ka mid ahaa xubnaha Shirkaasi ka soo qayb-galay.




Wasiirkii hore ee Wershadaha Xukuumaddii Rayaale  Maxamed Saleebaan Weyne xaflada furitaanka shirkaasi ka hadlay ayaa si weyn u naqdiyay siyaasadda xukuumadda talada haysa.




Maxamed Saleban Weyne ayaa tilmaamay inay xukuumaddu sas ka iyo baqdin ka qabto  dooda qaran ee xisbiyadu ku baaqeen.




Xafladdan oo wakhti dheer socotay waxa  isaguna Musharaxnimadiisa xisbiga ku muujiyey oo halkaasi kaga dhawaaqay  Dibloomaasi sare Maxamed Cali Cabdi oo ka tirsan Guddida fulinta xisbiga Waddani isla markaasna ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga,kaasoo madashaas ka shaaciyay inuu u sharaxan yahay jagada Madaxwayne ku xigeenka ee Xisbiga Waddani.




Maxamed Cali ayaa qiray inay jiraan xubno kale oo jagadaas hunguraynayaa, kuwaasoo uu ugu baaqay inay si xarago leh ugula tartamaan.




 Siyaasigan ayaa noqonaya Ninkii ugu horeeyay ee jagada Musharaxnimada Madaxweyne ku-xigeenka waddani isu soo taaga.




Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi ee hada Axmed Muumin Seed ayaa u taagnaa jagada Madaxweyne ku-xigeenimo ee Xisbiga, balse siyaasigan cusub ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee caddeeya inuu tartan u gelayo.




sawiro badan 




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com