Thursday, December 5, 2013

Somaliland:Wariyeyaal la xukumay iyo kuwo Bilaysku Garaacay


Hargeysa(GNA)-Afar wariye oo maalin saddexaad Xabsiga loo taxaabay ayaa lagu xukumay rumaan todobo cisho ah.




Maanta ayaa la horkeenay Maxkamadda afartan wariye, ka dib markii ay laba maalmood ku jireen  saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa.




Amaanka Maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la diiday inay Saxaafadda iyo dad kale ee caadiga ahi ka qayb-galaan dhegeysiga Dacwadda.




Ma cadda Kiiska lagu oogaay suxufiyiintaasi oo la xidhay xili ay qayb ka ahaayeen cabasho ka dhan Kiis la cuyub ku jiro oo ku saabsan weerarkii wargeyska Hubaal, kaasoo Ninkii geystay sabab aan la garanayn lagu sii daayay.




Intii dhegeysiga Dacwaddu socday waxa jidh dil iyo dhibaatooyin kale loo geystay wariyeyaal ku soo uruuray Kaamboolka Maxkamadda si ay wax uga ogaadaan Dacwadda Wariyeyaasha.




Qaar ka mid ah Suxufiyiintaasi ayaa la garaacay, kuwaasoo dhaawacyo la soo gaadhsiiyay.




Ciidamo RRU ah oo tiro badan ayaa la dhoobay agagaarka Maxkamadda Gobolka, halkaasoo ay ka socotay dacwadda Wariyeyaasha.




Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo booqday Maxkamadda ayaa indhahooda ku soo arkay laba ka mid ah Wariyeyaasha xidhan oo Katiinad laysugu xidhay iyo qaar ka mid ah kuwa ku soo uruuray Maxkamadda oo Bilaysku garaacayo.




Suxufiyiinta la jidhdilay maanta waxa ka mid ahaa Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka hawl-gala Wargeyska Foore ee ka soo baxa Caasimadda Hargeysa.




Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inay xadhiga Suxufiyiintaasi ku tiiqtiiqsanayso, isla markaana cadaadis dheeraad ah saarayso.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com