La dhaqanka dadka waxaa lagala kulmaa waxyaalo aan munaasib ahayn. Bulshada qaarkeed ayaa jecel inay ka jawaabaan ama ka ficil qaataan meelka dhaca loo gaysto, dadka qaarkoodna meel ka dhucu wuxuu kaga tagaa dareen xun iyo gocosho joogto ah.Haddaba akhristow maanka ku hay dadka kugu xadgudbaya ama kugula kacaya wax aan kugu habboonayn ma aha dad wada xun ee waxaa jira duruufo iyo sababo keena inay qowl ama ficil kugu dhibaan iyaga oo aan inta badan u qasdayn inay ku xumeeyaan.
Waxaa jira mid afadiisii ay xalay ilaa saaka ku gurxamaysey ama ciyaal dhib badan ay neerfaha iyo dhiigga ku kacsheen. Ninkaasi markuu xafiiska ama goobta shaqada yimaado wuxuu shaqaalihii iyo dadkii uu la macaamilayey kula dhacayaa xanaaqii uu guriga kala yimid.
Waxaa dhici karta miskiintaan kugu xadgudbtay in laga minyareeyey ama naaga habaarqaba ninkeedii ku direen ama mid khayr daran uu qabo oo ay sideedaba u kadeedan tahay ama ay meelo kale ka bugto oo ay adiga kugula dhacday dhibaatadii intaasi u gaysteen.
Dadka qayb ka mid ah waxaa haysta duruuf adag oo miskaxdooda wareerisay, taas oo mararka qaarkood gaarsiisa in dunida oo dhan uu ka eego xagasha mushkiladdiisa, wax kalena aysan u muuqan. Waxaa jira kuwo ummadda oo dhan u ciilqaba oo ay latahay dhibta haysata inay ka dambeysey oo aarsi iyo colaadin darteed kuugu dhibaya hadalka ama ficilka.
Intaa haddaynu ogaanay waxaa ina la gudboon:
1- In aynu fahamno duruufta iyo xaaladaha haysta dadka aynu la macaamilayno oo aynu tixgalino, una dulqaadano wixii inooga yimaada. Innaga oo og in aynu Ilaahay ajar kaga helayno cafiga.
2- In aynu culayska iyo mushkiladda haysata ka fududayno intii tabarteen ah. Wax kale haddii aynaan u helin fahamsiin, duco iyo la talin gaar ahaan markii rooxaantu ka soo dagto.
3- In aynaan cuqdad iyo uur ku hayn yeelan ee aynu meeshaas kaga gudubno waxa la inoo gaystay, isla markaasna aan la sii wadwadin, lana buunbuunin meelkadhacyada la inoo gaysto.
Ugu dambayn walaal dadkaaga dhiban u dhimri, dhibtoodana mid kale ha ugu darin.
Sheekh Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com