Hargeysa, December 5 2013 (GNA) – Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay heshiis buuxa ka gaadheen in go’aankii isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) sidiisa loo daayo, isla markaana layska iloobo wixii ismaan-dhaaf iyo khilaafaad ah ee ka dhashay isku shaandhayntii guddi hoosaadyada golaha lagu sameeyay.
Ma jiro ilaa hada war faahfaahsan oo shirgudoonka golaha wakiiladu ay ka soo saareen go’aanada heshiis ee ay ka qaateen khilaafkii isqabad ee ka dhex aloosmay gudoomiye Cirro iyo labadiisa gudoomiye ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo saddexdii maalmood ee u dameeyay kulano wada hadal ka yeelanayey xiisadii ka dhalatay isku shaandhaynta guddiyada, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun-daloola golaha wakiilada ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in shirgudoonka golaha wakiiladu ay heshiis buuxa ka gaadheen khilaafkoodii.
Waxaanay ilo wareegyadu tibaaxeen in labada gudoomiye ku xigeen ee golahaasi oo ka horyimid talaabadii isku shaandhaynta ee gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu ku sameeyay guddiyada golaha la sheegay inay si buuxda iskugu raaceen in go’aankii isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha sidiisa loo daayo, goluhuna gudo galo kalfadhiga 23aad oo la filayo inuu furmo todobaadka dambe.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagu todobaadkii hore markii uu dalka ku soo guryo noqday si cad u sheegay inaan laga noqonaynin isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golahaasi, oo labadiisa ku xigeen intii uu dalka ka maqnaa ay hakin ku sameeyeen.
Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in gudoomiye Cirro u sheegay labadiisa ku xigeen in go’aankaasi isku shaandhayntu ahaa go’aan gole oo shirgudoonku fuliyay, taas oo tibaaxuhuna wariyeen in gudoomiye ku xigeenka labaad ee golohaasi Cali Yuusuf Axmed oo markii hore isku shaandhaynta guddiyada gudoomiye Cirro la saxeexay, balse markii dambe ee gudoomiye ku xigeenka koowaad dalka ku soo guryo noqday hadana la saxeexay go’aankii uu ku hakiyay Baashe Maxamed Faarax isku shaandhayntii, ayaa la sheegay in gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro si weyn Dr Cali Yuusuf ugu canaantay labada mawqif ee isburinaya ee uu ku kala taageeray isaga iyo Baashe.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com