Cabdiraxmaan Tol-waa: wuu dhamaaday war-warkii Siyaasadda Somaliland”Warbixin
Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo horumarinta Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa rejo wanaag ka muujiyay Heshiiska laga gaadhay khilaafkii ka taagnaa Shirka Doodda Qaran ee Xisbiyadda Mucaaridka abaabulayeen oo xukuumadda lagala heshiiyay.
Saddexda Xisbi Qaran ee somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka wada qayb-gelayaan shirkaasi oo hagistiisa lagu wareejiyay Akaadamiyadda Nabadda iyo horimarinta.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay shalay kulan yeesheen Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la sheegay inuu dalbday in la khafiifiyo Qodobada lagu soo qaadayo Shirkan doodda Qaran.
Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax (Tol-waa) ayaa soo dhaweeyay heshiiskii saddexda xisbi ku gaadheen in shirkii Doodda qaran ay qabato Akadamiyaddu.
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu amaan u soo jeediyay talaabadan oo uu ku sheegay inay muujinayso inay Somaliland qaaday wixii ay ku soo caano maashay
“Aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqayaa haddii aanu Akadamiyadda Nahay saddexda xisbi qaran, sida ay noogu yimaadeen ee ay u ajiibeen gogoshii aanu u fidinay, runtii si xilkasnimo leh oo waddanimo ku jirto ayay arrimahii u guda galeen, ILAAHAYNA waxaan ka rejaynayaa in wixii u dhimana ay sidaa si la mid u dhamayn doonaan, waxa kale ugu mahad-naqayaa kalsoonida ay na siiyeen”.
Mujaahid, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu sheegay inuu meesha ka baxay werwerkii shacabku qabeen “Waad ogeydeen waxa dalka ka jiray warwar badan oo ah tallow maxaa dhici doona oo la yeeli doonaa, laakiin waxay ku noqotay tii Somaliland ku caano maashay ee ahayd in la isku yimaaddo oo la wada tashado oo la isku tanaasulo ee aynu hiddaha iyo dhaqanka u lahayn”ayuu yidhi.
Siyaasiyiinta ku bahoobay Daladda la baxday Madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranka ayaa Hindisay qabashada shirqarameedka Asxaabta Mucaaridka ahi baabulayeen.
Shirka ayaa qorshihiisa koowaad markii lagu dhawaaqay waxa ajende looga dhigay lix iyo toban qodob oo xaasaasi ah, kuwaasoo ay xukuumaddu sas balaadhan ka muujisay.
Hase ahaatee xubnaha Guddida qaban qaabadda Shirka ee Xisbiyadda ayaa sheegay in waxyaabaha lagu falanqeyn doono ay ka mid yihiin, qodobadani:-
1) maxaa sababaya TAHRIIBKA sideese loo joojin karaa
2) maxaa ka khaldan SIYAASADDA ARIMAHA DEBEDDA
3) heerka MUSUQMAASUQA iyo in lays tuso sababaha dhaliyey inay xoogeysatey QABYAALADU iyo sidii looga hor tegi lahaa
4) arimaha horumarinta DIMUQRAADIYADDA iyo MAAMUL WANAAGGA.
Ma cadda in qoladda cusub ee iminka la wareegtay qabashada shirku wax ka bedeli doonaan ajandihiisa iyo inay sidii hore ku waddi doonaan, hase ahaatee dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa ku dooddaya in dalabka xukuumadda ee ku saabsan in shirka la khafiifiyaa saameyn ku yeelan doono miisaankii Shirku lahaa markii hore.
“Shirkaasi hadii uu gacanta u galay cid kale kolay waxbaa iska bedelaya qaabkii hore ee uu lahaa, waana suurto gal inay xukuumaddu meesha ka saarto”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dadka arrimaha siyaasadda wax ka sheega, kaasoo ku dooddaya inuu shirkaasi siqiiri karo.
Hase ahaatee isweydiintu waxay tahay Xukuumaddu ma aqbali doontaa hadii ajandihiisu ahaado sidii hore ee ay madasha wada-tashigu u soo dhigtay “waabu fiicanyahay Madaxweyne Siilaanyo hadii u aqbalo 16 qodob ee shirka lagaga wada hadlayay, laakiinse uma arko inuu aqblayo”ayuu yidhi Maxamed Nin Magaciisa ku soo gaabiyay.
Si kastaba ha ahaatee bulshada ayaa si weyn isha ugu haya halka ay ku dambeyn doonaan arrimahan socda iyo isku soo dhawaanshiyaha Xukuumadda iyo Mucaaridka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com