Friday, December 20, 2013

Somalia: Baarlamanka oo Sabtida cod u qaadaya Reysal wasaaraha cusub


Laba Sheikh oo min toban xubnood u qaybsaday Wasiirrada cusub  iyo Mooshin ka socda Baarlamanka




Muqdisho(GNA)-Reysal-wasaaraha cusub ee Somaliya ayaa sabtida todobaadka soo socda la hor geynayaa magacaabistiisa Baarlamanka Dawladda federaalka Somaliya, ka dib markii todobaadkii hore dabayaaqadiisii madaxweynuhu magacaabay.




Baarlamanka ayaa cod aqlabiyadda ku riday Reysal-wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumadiisa afar todobaad ka hor, waxaana ka codeeyay 184 Xildhibaan.




Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Khamiistii la soo dhaafay u magacaabay Reysal-wasaare cusub Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed oo ah Sarkaal muddo dheer ka soo shaqaynayay Bangiga Islaamka.




Ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyadda ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Madaxweynuhu Sabtida u gudbin doono Baarlamanka Ninkan cusub ee uu magacaabay , waxaana Villa Somali laga dareemayaa dhaqdhaqaaq siyaasaddeed oo arrin salka ku haya.




Inta badan xildhibaanadii riday Reysal-wasaare saacid, ayaa la sheegay inay ka cadhoodeen Balanqaad madaxweynuhu sameeyay oo lagaga baxay, kaasoo la xidhiidha arrinta magacaabista Reysal-wasaaraha.




Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda ayaa sheegaya inaanay Mudaneyaashii la saftay Madaxweynuhu haatan la dhacsanayn Ninka uu magacaabay, suurto galna ay tahay inay diidaan ansixintiisa.




“184 Xildhibaan ee Saacid Riday waxay doonayaan inay ku biiraan kooxdii ka soo horjeeday ridista Saacid, waayo wuxuu madaxweynuhu kaga baxay balanqaadkii uu sameeyay “sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Khabiir siyaasaddeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho.




Cabdiwali Sheikh Axmed, ayaa maalintii la magacaabay Warbaahinta u sheegay inuu ka shaqaynayo dib u heshiisiinta iyo suurto gelinta Dastuur rasmiya oo dalku yeesho.




“Dastuurka ayaan ku meel gaarka ka saaraynaa, waxaan ka shaqaynayaa dib u heshiisiinta iyo nabaddeynta dalka inta aan joogo”ayuu Telefishanka Dawladda u sheegay.




Qaar badan oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeedda Goboladda Geddo iyo Jubbooyinka iyo Bulshada Goboladda qaarkood ayaa soo dhaweeyay magacaabistiisa, balse taasi  Miisaan badan kuma siyaadinayso inuu codka kalsoonida Baarlamanka ka helo.




Waxa Baarlamanka ka socda mooshin lagaga hortegayo inaan dib loo soo celin Wasiirradii Xukuumaddii Reysal-wasaare saacid, hase ahaatee madaxweyne xasan Sheikh ayaa la sheegay inuu doonayo inuu dib u soo celiyo dhawr wasiir oo muhiima.




Labada Masuul ayaa kala qaybsaday xulida xubnaha Golaha wasiirrada ee cusub oo midkoodba toban xubnood qaatay, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in is mari-waa ka taaganyahay  arintaasi.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com