Muqdisho(GNA)-Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegay inay dhexdhexaadinayaan Beelaha ku diriya Deegaamada Gobolka Shabeeladda hoose.
Talabaadan ayaa ka dambeysay ka dib dagaalo soo noqnoqday oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay halkaasi ka dhacayay, kuwaasoo u dhexeeya Beelo Gobolka wada degen.
Dad gaadhaya 20 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedyada horaantii bishan, waxaanu dib u qarxeen afar maalmood ka hor.
Gudoomiyaha ururka Al-shabaab ugu magacaaban gobolka Sh/hoose Shiikh Maxamed Abuu Cabdalla oo la hadlay warbaahinta Ururkaasi taageerta, ayaa sheegay in dhiiga beelaha walaalaha ee daadanaya aan la sii eegan Karin.
Waxa uu intaasi ku daray inay kulamo la yeesheen dhinacyo ka socda labada beelood ee dagaalamaya, si nabad iyo xabad joojin looga helo.
“Si loo joojiyo dagaalka dhexmaraya beelaha walaalaha ah waxaan qaadi doonaa talaabo kasta oo suuragal ah, illaa hadda waxaan kulamo la qaadanay waxgaradka labada beelood waxaana ka dhex wadnaa waan waan iyo in dagaalka lagu bedelo wadahadal” ayuu yiri Abuu Cabdalla.
Madaxweynaha Somaliya ayaa shalay dhaleeceeyay dagaalka.
hase ahaatee xukuumadda ayaan ilaa hada wax talaabo ah qaadin.
Beelaha diriraya ayaa hore isugu eedeeyay inay dhinac ka mid ah dawladdu dabada ka riixayso.
Beesha Biyo-maal ayaa ku andacootay in lagula dagaalamayo laba arrimood kala ah Dhul balaadhsi lagaga riixanayo deegaanka KM50 iyo xaasaasiyad siyaasaddeed oo dawladdu ka qabto taageero ay u muujiyeen somaliland muddo ka hor.
si kastaba ha ahaatee al-shabaab ayaa qorsheheedu u muuqdaa mid ay gabood kaga raadinayso beesha biyo maal oo dhanka Dawladda ka soo horjeeda.