Madaxweyneha oi Hadyad ka Guddoomay Suugaanyahano soo kacaya iyo kuwii Somaliland la kowsaday oo Duruufo nololeed Dugsanaya
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay shahaadooyina ku gudoonsiiyey Hal-abuurro da’a yar oo dhawaan ku guulaystay tartan loo qabtay da’a yarta Suugaanta curisa ee Gobolka Maroodi-jeex, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dhiiri gelin lahaa hal abuurada dalka u soo kacaya.
Tartankan ayaa waxa ka qayb galay 23 Suugaanyahan oo Rag iyo Dumar isugu jira, waxaana lagaga qayb qaadanayay Gabayo Dhalinyarada lagaga wacyi gelin doono Aafada tahriibta.
Waxa Tartankaasi Siidhi wadde ka ahaa ama maamulayay Abwaano waaweyn oo waddanka u dhashay, kuwaasoo laftoodu Kulanka ku wehelinayay Suugaanyahanada.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo , ayaa kulankaasi uga mahad celiyay Dhalinyarada ka qayb gashay tartanka iyo Abwaanadii qabsoomidiisa kaalinta ka qaatay.
Dhalinyarada, ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey ujeedada kulankan iyo doorkii ay ka ciyaareen ka dhalin yaro ahaan iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida qadarinta iyo qiimuhu ku dheehan yahay ee uu dhalinta dalka u siiyo ahmiyada koowaad.
“tani waxay markhaati ka tahay sida aad madaxweyne maantaba u joojisay hawlihii aad qaranka u haysay eed nooga ajiibtay kulankan aanu kula qaadanay annaga oo ogsoon in uu wakhtigaagu yahay mid aad u hibaysay una hurtay hore iyo danbaysaba dalka, ka dhalin yaro ahaana aanu ku faraxsanahay maanta in aanu nabad ku barbaarnay hadhsanayna calankayagii oo nabad ah kuna socod baranay ciidayadii hooyo, hadana nasiib u yeelano in aanu fursad u helno hal abuurnimo weliba aanu madaxweynahayagii oo ahaa halyeygii aanu ku garaadsanay isaga oo dalka iyo dadkuba ay hiigsanayaan, uu manta na hogaaminaayo, halkii dalka looga talinaayey nagu qaabilo taas oo xoojinaysa quluubtayada naguna abuuraysa in aanu dalka uga tagno wax dhaxal gal ah oo taariikhi ah, si kuwa naga danbeeyaa ay u helaan taariikh kayd u ah oo ay hiigsadaan kuna daydaan geesigoodan qaran ee hada hogaanka u haya siyaasada dalka”sidaasi waxa kulanka ka sheegay xubin u hadlay Suugaanyahanada madaxweynaha la kulmay.
Geesta kale Xarrunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge, ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyay hadyad ka kooban dhaqanka dalka, kuwaas oo ka koobnaa weelkii ama wiciyadii qadiimiga ahayd ee xeedhada, fandhaal, dhiil, dhiisha iyo weel kale oo ka kooban hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee somalida.
Abwaanada ka qayb qaatay suurto gelinta tartankan, waxa ka mid ahaa:-
Axmed Saleebaan Bidde, Saxardiid Maxamuud Jebiye iyo Cali Caateeye .
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo madaxweynuhu la yeesho bahda suugaan dhaadhiga ah ee soo kacaya, waxaanu ku soo beegmayaa xili dayac badan iyo nolol aan wanaagsanayn ay ku suganyihiin Suugaanyahanada waaweyn ee dalka ku sugan.
Fanaaniinta, Abwaanada iyo bahwadaagta Suugaanta ayaan helin daryeel nololeed, dhaqaale ku filan iyo Barmaamujyo ay xirfaddooda ku horumariyaan.
Waxaanay taasi sababtay in laba bilood ka hor Koox faneed dalka laga yaqaano oo Sumcad iyo magac weyn lihi laha baajiyay inay dalka iskaga baxaan, isla markaana tagaan Dalka somaliya.
Fanaaniintaasi oo qaarkood tan iyo markii dalka lagu soo noqday la soo jiiftaamayeen duruufo nololeed oo ay xiliyada qaar bulshada la qabeen, balse markii dambe lagaga tegay, ayaa ka cabanayay in la dayacay, isla markaana shaqadii ay qaban lahaayeen NGO-yo gaar loo leeyahay ka qaadeen.
Cabashada arrintan ku saabsan ayaa ah mid dareen ahaan Bulshada badankeedu ka dheregsantahay “Kuwa Dawladda Mushaharka ka qaataa waxay qaataan 600,000 shls oo ah waxaan qofka noloshiisa ku filnayn”sdaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Fanaaniinta Qaranka oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.
Waxaanu intaasi ku daray “shaqadii fanaaniinta ee ahayd Barmaamujyada wacyi gelinta ah iyo soo saarista Suugaan cusub ee ay ahayd inay Dawladda iyo hay’adduhu maal-geliyaan waxaa la siiyaa Ururro NGO-yo ah oo ku shaqaysta iyo dad aan aqoon u lahayn”.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com