Muqdisho(GNA)-Xaflad lagu furayay Hirgelinta Aqoonsiga Jinsiyaddaha iyo Baasaaboorka cusub ee soomaliya ayaa lagu qabtay Maanta Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaaxafladan Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, isla markaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan.
Xafladaasi waxa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiiro, xildhibaano, diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada
Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur (Tarzan) iyo ka soo qeybgalayaal fara badan oo bulshada qaybaheeda ka socday.
Waxa lagu lagu daahfurayey Baasaboorka cusub (e-passport), oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsanyahay.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya General Gaafow oo halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub
oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali.
General Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Tarzan ayaa sheegay inay diyaariyeen xafiiskii diiwaangelinta oo casriyeysan, islamarkaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dokumentiyada muhiimka ah.
“Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo dokumentiyadan ma aha kuwo been abuur lagu sameyn karo”ayuu yidhi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isagana sheegay in dokumentiyadan muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, isla markaana telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan waraaqahaas.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daahfurka ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri “Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u
fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, isla markaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka”ayuu yidhi Xasan Sheikh Maxamuud.
Waxaanu intaasi ku daray “Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn caalamka.
Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inaysameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada.ayuu yidhi”
Waa markii ugu horaysay ee go’aankan shardiga ku xidhay qaadashada Baasaaboorka Somaliya soo baxo, dawladduna ku dhawaaqdo.
Baasaaboorka Somalia ee (EPASPORTS), ayaa sanadihii ugu dambeeyay looga ganacsanayay si jaantaa rogan ah oo aan sharci ku fadhiyin.
Go’aankan ayaa hadii uu dhaqan gal noqdo waajahaya nidaam daradii looga qaadan jiray Goboladda Somaliya oo dhan oo aan sharci la waafajiyo lahayn.
Waxaana jira xarumo ganacsi oo ku yaala gobollada fog-fog iyo Somaliland oo dad gaar ahi ku iibiyaan, kuwaasoo kumanaan Baasaaboor lagu bixiyay labadii sanadood ee ugu dambeeyay.
Xiliyaddii xajka la aadayay ayaa ugu badnaa wakhtiyada sida Buugaagta wax lagu qorto loogu iibin jiray xafiis Ganacsiyeedyada aan sheegnay.
Ma cadda waxa laga yeelayo dikumantiyada ku baxay sifahan ganacsiga ku salaysan, balse waa hawl u taala dawladda Somaliya inay wax ka qabato, isla markaana bulshada u caddeyso waxa laga yeelayo.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email:P editor@gobanimonews.com