Goobaha waxbarashada oo saaka la fasaxay iyo isku dhac ka dhacay Dugsiga 15 May oo Khasaare sababay
Burco(GNA)-Xaaladda Magaalada labaad ee Somaliland ayaa ah mid wali qasan.
Bilayska ayaa dad tiro badan ka qabqabtay Suuqa iyo agagaarka Xarunta Dawladda hoose.
Sidoo kale ku dhawaad 20 Arday ayaa xabsiga loo taxaabay, ka dib markii shaqaaqo saaka ka dhacday Dugsiga 15 May ee Magaalada.
Ciidanka RRU-da ayaa ku dhex dhacay Ardayda Dusgigaasi oo laba Kooxood u kala baxay,kuwaasoo ay kala dareeriyeen qaarkoodna xabsiga dhigeen.
Inta badan goobaha waxbarashad ayaa la fasaxay saaka si looga hortago isku dhac Ardayda ka soo kala jeedda laba daamood ee Magaalada.
Iska hor imaadka dhex maray Ardayda Dugsiga 15 May ayaa sababay dhaawac soo gaadhay Maamulaha dugsigaasi.
Sidoo kale cabsi badan ayaa maanta ka jirtay 2 Dugsi oo kale oo iyagana aan la fasixin, kuwaasoo laga wer wer qabay in isku dhac ka yimaado.
Masuuliyiinta Dawladda ee Magaalada Burco ku sugan ayaa labada dhinac ee Magaalada ku war geliyay inay min toban Oday keenaan, si arrinta loo xalilo.
Hase ahaatee wararku waxay intaasi ku darayaan in deegaanka Galbeedku ku gacan saydheen arrintaasi, isla markaana ku andacoodeen inay iyagu dawladda ku mudaharaadeen, wax shido ahina ka dhaxaynin dhinaca kale.
Dibad baxyo Salmi ah oo shalay gelinkii hore ka dhacay Magaalada ayaa isu bedelay gelinkii dambe ee isla shalay iska horimaad laba shacbi oo Magaalada wada degen.
Tan ayaa dabka ku sii shiday xiisadii taagnayd.
Waxa la bur-buriyay goobo Ganacsi iyo Guryo ku yaala Faras Magaalaha Suuqa.
Dadka Bilaysku xidh-xidhay ayaa u badan dhalin yaro iyo Dumar, lagu eedeynayo inay qayb ka ahaayeen mudaharaadka shalay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com