Tuesday, December 3, 2013

Boon: Jaamacadda Camuud oo Buuggaag ugu deeqday Dugsiga Sare






 




 




 




 




 




 




Boon-(GNA) Waxa ay JamacadaCamuudIyoDugsigaMBKInternational School ay soo gaadhsiiyeen deeq buugaga oo ay ugu talo galeen in ay ka faa’iidaystaan ardayda wax ka barataa dugsiga sare ee Boon..




Deeqdan buugta Ayaa waxa Dugsiga Soo Gaadhsiiyey Rooble xasan wacays oo ka Mida ah Odayaasha Deegaanka Isla Markaana ah Xildhibaan Ka Tirsanaan jirey xildhinadii hore golaha deegaanka borama oo Alaaba Isku Taxaluujiyay Sidii Uu Deeq kale Duwan Uu Soo gaadhsiin Lahaa Dugsiga Sare Boon..




Waxa Halkaasi Ugu Horeyntii Ka Hadlay Maamulaha Dugsiga Sare Ee Boon Mustafe Cilmi Faarax oo jamacada Camuud Iyo MBK Uga Mahad celiyey Deeqdii Buugta ee ay soo gaadhsiin Dugsiga sare Boon Isla Markaana Cid Walba Oo jecel Khayrka ugu Baaqay In Ay Ka Qayb Qaataan Horumarka Ka Socda Dugsiga Sare Ee Boon..




Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boon Sh.Saleebaan Muuse Xoosh Oo Isagna Halkaasi Ka Hadlay ayaa waxa uu ku dheeraday Taariikhdii Ay Soo Martay Degmada Boon  oo Uu Sheegay in ay tahay meeshii laga Bilaabay Iska Wax Uu Qabso isla markaana ardayda kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan mahad celin balaadhan uu jeediyey Cidii Deeqda Buugta Soo Gaarsiisay…
Macalin.C/laahi Ibraahim Gurey Oo Ka Mida Macalimiinta Dugsiga Sare Ee Boon Kuna Hadlayey Afka Macalimiinta ayaa waxa uu balan qaaday dhankooda in ay ardayda ay buugtan ay uga faa’iidayn Doonaan..




Waxa Kale Oo Iyagna Halkaasi ka Hadlay Qaar ka Mid ah Ardyda Dhigata Dugsiga Sare ee Boon Waxa ayna Si weyn ay uga Mahad Celiyey Deeqdan Buugagta Sheegayna In ay ka Faa’iidaysan Doonan….
Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe Ee Boon  Sh.c/risaaq Buux Xirsi Oo Isagna Halkaasi ka Hadlayey ayaa waxa uu ka Shanaqadhiyey in ay ardaydan ay uu baahnaayeen buugtan isla markaan uu sheegay in ay Buugtan yihiin kuwo cilmi ka buuxo laga Faa’iidaysto..




Xildhibaan Oday Rooble Xasan Wacays Oo ka Mid Ah Odayaasha Deegaankaas Isla Markaana ah Xubin Isku Hawshay Sidii ay Ardayda Dugsiga Sare Ee Boon ay Uu Noqon Lahaayeen Kuwo La Tartama Ardayda Somaliland Isla Markaana Ahaa Cidii Deeqdan Dugsiga Soo Gaadhsiisay Ayaa waxa uu markii Ugu Horeysay Uu Mahad Celiyey Cidii Uu Deeqda Uu Ka Soo Qaaday Oo Ahayd Jamacada Camuud Iyo Dugsiga MBK Oo Uu Sheegay In ay deeqdan Buugta ee ay Ugu Deeqeen Ardayda Boon ay Badalkeeda ay ka Heli Doonaan Xaga Ale..




Oday Rooble Xasan Wacays Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa waxa kale oo uu sheegay in mar walba uu diyaar Uu Yahay Sidii uu Ardayda Boon Ay Noqon Lahaayeen Kuwo Lagu Daydo Dhinaca Waxbarashada Iyo Akhlaaqadaba…




Si Kastaba Ahaate Dugsiga sare Ee Boon Ayaa ah dugsi ay dhigtaan arday Aad Uu Badan Isla markaana uu Baahan In Laga Caawiyo Dhinaca Waxbarashada Si Loo Helo Arday Aqoon Leh Oo Wadanka Ku Soo Kordhisa Horumar Dhinacyo Kale Duwan Le.”




ww qq 235 0147 144 6555 045 032 02255 045 032 022017 7